Gudoomiye Muungaab oo sheegay in ay dhul siiyeen qoysas danyar ah “SAWIRRO”

0
3122

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka ayaa howlo kormeer ah ku tegay dhul ay leedahay dowladda oo ku yaala duleedka Muqdisho, isla markaana uu maamulka gobolku uu dib u dejin ugu sameeyay qoysas dhawaan laga soo raray xarumaha dowladda ee danta guud oo muddo 24 sano ka badan ay deganaayeen.

Mudane Xasan Maxamed Xuseen oo Warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyay in dhulkaasi ay dowladda ku wareejisay qoysas laga soo saaray xarumaha dowladda, maamulkana uu gacan ku siinayo sidii ay u dhisan lahaayeen.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo hadalkiisa sii wata ayaa digniin u jeediyay dadka doonaya inay sheegtaan Milkiyadda dhulka dowladda in tallaabo cad laga qaadi doono.

Dhulkan uu maamulka gobolka Banaadir ku wareejiyay qoysas Soomaaliyeed oo ku yaala aga gaarka Taliska Ciidanka Asluubta  ayaa ah dhul banaan oo ay dowladda u qorsheysay bulshada Soomaaliyeed.

_MG_7407 _MG_7409 _MG_7419 _MG_7421 _MG_7423 _MG_7441

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here