Gudoomiye Muungaab oo xalay ka qeybgalay munaasabad lagu soo bandhigayay waxqabadka maamulka degmada Shibis”SAWIRRO”

1
3134

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” ayaa xalay ka qeybgalay munaasabad lagu soo bandhigay waxqabadka maamulka degmada Shibis ee gobolka Banaadir.

Munaasabadda oo lagu qabtay xarunta degmada Shibis ayaa lagu soo bandhigay muuqaallo ka tarjumaya waxqabadka maamulkaasi ee sanadkii tegay.

Guddoomiyaha degmada Shibis C/fitaax Nuur Cali oo ka hadlay munaasabadda ayaa ka waramay wax qabadka maamulkiisa ee sanadki tegay, isagoo xusay in sanadkii la soo dhaafay ay u qabsoomeen waxyaabo badan oo muhiim u ahaa bulshada degmada.

“Muungaab” oo gebagebadii munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in maamulkiisu uu xarumo badan oo waxtar u leh bulshada,  ka hirgeliyay degmooyinka gobolka Banaadir,  kaasoo sida uu sheegay lagu dhisay mashruuca dhiso dalkaaga oo uu ku baaqay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wuxuu ku amaanay maamulka iyo bulshada degmada Shibis sida ay isugu duubanyihiin, islamarkaana ay isaga kaashadaan ammaanka iyo horumarka degmada Shibis.

_MG_7809

_MG_7810

_MG_7813

_MG_7819

_MG_7834

_MG_7836

_MG_7838

_MG_7840

_MG_7882

_MG_7885

_MG_7890

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. KAAGA MARAG HADAAN LAGU LAHEYN KUUMA MEEL QABAT.

    shacabka ku nool magaalada muqdisho ayaa markoow mudane tarsan ahaa gudoomiyaha gobalka banaadir waxeey ku shirbeen shirib magaciisu ahaa GOFARNATOORE GUUL WATOOW GOBALKAAN HORTAA WAA GUBNAA.
    erayadaas waxeey ka soo baxeen qalbi raali ka ah waxtarki iyo waxqabadkii oow muujiyay mudane tarsan.

    waxaan beryahaan maqlaynay in la rabo in muungaab laga qaado xilka oow haayo iyadoo la sheegaayo inoowsan howlo badan qaban, waxaa jirta hadii qof mas,uul yahay ee oow wax qabto in ay waajib tahay in la yiraahdo waad mahad santahay hadoow gaabiyana la baraarujiyo si oow isbedel u keeno hadii oow wax bedeli waayana meesha oow baneeyo kadib markii la helo qof meeshaas qaban karo si aan howsha shacabka loo haayo u joogsan.

    maanta waxaan halkaan marqaati ka ahay anigoo ka mid ah shacabka soomaaliyeed ee ay farxad gelinayso hadii muqdisho nabad iyo horumar yeelato ayna i dhibayso wax kastoo dhibaato u keenaayo magaaladaan ku shabeysan qofkastoo soomaali ah mid jecel iyo midaan jeclaynba waayo qofkastoo soomaali ah markoow caalamka joogo markoow wadankiisa sheego kelmada ku xigto oo la weydiinaayo waa caasimadaada magaceedu waa maxaay ? jawaabtuna waa muqdisho.
    fanaanadeena wadaniyada ah ee hibo nuuro ayaa hore u tiri muqdisho waa ma guuraan waana lagama maarmaan.
    hadaba maanta waxaan ka hadlayaa arrin u baahan in laga hadlo oo ah hunu hunuda maalmahaan la sheegaayo ee ah in muungaab iyo fariiqiisu aysan wax qaban.
    waxaa sidi qorax waaberi u muuqdo wixii oow qabtay muun gaab iyo wiilasha dhalinyarada ah ee dhaxda u xirtay siday u soo celin lahaayeen cisadeey laheed magaaladeey ku soo koreen ee ay maanta fursad u heleen ineey waxka qabtaan.
    muungaab waa ninkii maalintii la magacaabay dhax degay degmada huriwaa ee hortiis aheed bahalo gal ay dhexdegenaayeen nabad diidku,
    muungaab waxoow gudoomiyayaal ka dhigay dhalinyaro ku soo barbaaray magaalada muqdisho oo inteey wadankooda wax u soo barteen u soo noqday si ay wadankooda wax uga bedelaan.
    magacaabida dhalinyaradaan waxeey laheed ujeedooyin badan oo aan u maleeynaayo inoow fahmi karo qofkastoo wadankiisa jecel waxaana ugu muhiimsan kuwaan.
    1-magacaabida dhalinyaradaanu waxeey meesha ka saartay magac xumadii ay soomaalida u soo hooyeen nabad diidka la magac baxay shabaab waayo caalamka waxoow muun gaab tusay hadii shabaab waa nabad diidkee ay soomaali ka soo dhaxbxeen in soomaaliyo qabto dhalinyaro nadiif ah wadaniyiin ah aqoonyahano ah oo waxbartay wadankoodana wax ka badali karo.
    2-magacaabida dhalinyaradaanu waxeey himo iyo niyad sami u noqotay dhalinyarada soomaaliyeed ee wadankooda wax u bartay taas oo dhlinayso in dhalinyaradu ka joogsadaan tahriibka inta dibada jirtana ay soo noqoto mar hadeey arkeen in kuwii wadanka joogay la qadariyay meeshay munaasab ku ahaayeena loo dhiibay.
    3-magacaabida dhalinyaradu waxeey meesha ka saartay in odayaasha waaweeyn uun ay wadanka taladiisa gacanta ku haayaan waayo dhalinyaradu waa lafdhabrkii wadanka iyo xoogiisi ayna waajib tahay in jiilba jiil talada qabto si wadanku horumar u helo.
    4-caalamka carabta waxaa ka socdo kacdoon ay hogaaminayaan dhalinyaro marka hadii wadankeeni dhowr iyo labaatanka sano dhibanaa oow maanta tusaale u noqdo caalamka carabta oo aan dhalinyaradeeni iyagoon kacdoomin meeshay mudnaayeen loo dhiibo taasi wadankeena ayeey u noqonaysaa sharaf iyo horumar.

    hadaan nahay soomaali waa in aan aad u fekerno ka hor inta aanan qaraaro qaadan waayo wadankeenu waxoow ka soo daalay dagaalo iyo burbur waana in aanan labo mar ku dhicin godkii rasuulkeenu yiri muslimka laba goor god lagama wada qaniino waxaana taas ula jeedaa wadankeenu waxoow lugta saaray wadadii toosneed marka waxaa waajib nagu ah in aan ilaashano iftiinka noo hilaacay
    sidaas darteed waxaan madaxweynaha shafarta leh ka codsanayaa in oow aad u fiiriyo go,aan kastoo oow u qaadaayo xaga bedelida dhalinyaradaan inta yar ee ay muqdisho gacanta ku haayeen muujiyay dadaal aanan maanta iiga baahneyn in aan meeshaan ka sheego.
    mudane madaxweyne maalintaad muungaab magacaawday aad ayaa loo soo dhaweeyay waxaa kaloo shacabka soomaaliyeed qaasatan reer muqdisho raali ka yihiin sida dhalinyaradaanu u dadaalayaan, waa dhici kartaa in mararka qaar dhacdo habacsanaan iyo gaabin laakiin taas waxaad awoodaa in aad kala hadasho si waxqabadka loo labalaabo.
    Mudane madaxweyne gobalka banaadir waa wadnihii wadanka oo hadii ow toosana wadanka dhamaantiis saameeyntiisu gaareyso hadoow qalqal galena wadanku dib u noqonaayo
    Mudane madaxweyne muqdisho oo nabad iyo horumar yeelato waxeey dowlada u fududeynaysaa in ay howsheeda gudato, marka madaxweyne gobalka banaadir waa in la siiyo qadarintiisa mudane madaxweyne reer muqdisho waxeey qabaan cabasho ah in canshuurta iyaga laga qaado ay tahay dulmi in laga siiyo in yar oo aan u qalmin qadarka muqdisho leedahay mudane madaxweyne muqdisho waxeey u dhigantaa culeyska saaran afar gobal waayo waxaa ku nool umad aad u fara badan.
    Mudane madaxweyne waxaan aad iyo aad kaaga dalbanayaa in muungaab iyo dhalinyaradiisa la dhiiri geliyo hore u socodna lagu hanuuniyo waayo hadii arintu noqoto maalinba qof hala casilo taasi waxeey keenaysaa.
    1-in qofkastoo meel loo dhiibaba oow isyiraahdo beri ayaa lagaa qaadayaa ee waxba hays dhibin
    2-indhalinyaradu niyad jabto oo ay dib u bilaabaan tahriib.iyo ineeyba tacliinta isaga tagaan.
    3-in nabadiidku dib usoo cayilo isagoo khilaafaadka iyo casilaadaha madaxda ka faa,iideeysanaayo.
    4-in shacabku niyad jabo ayna rajo beelaan umadeena qurbaha ku rafaadsan.
    5-in safaaradaha caalamka ee muqdisho ku soo dhiiraday hadeey arkaan muqdisho oo hogaankeedu liicaayo ay ku noqdaan meeshay ka yimaadeen.
    Mudane madaxweyne reer muqdisho waa falaarta cadawga lagula diriraayo foodeeda ee waa in la siiyo qadarteeda loona aqoonsado in eey hureen naf iyo maalba ayna garab galeen dowlada
    Kama dambeynti waxaan halkaan ka sheegayaa in ay tahay marki iigu horeeysay ee aan qalbigeyga geliyo in caasimadi wadankeena ay cagta saartay ineey ku soo noqoto berisamaadkii sida ay u dadaaleen muungaab iyo gudoomiyayaashiisu waxaana leeyahay dhalinyaradaan
    Kaaga marag hadaan lagu laheeyn kuuma meel qabato .ee iga gudooma salaam sharaf leh waligiina ha niyad jabina wadankiinana horuumariya ogaadana dhalinyarada wadankoo dhami ineey idin fiirsaneeyso illaaheey garabkiina ha galo howshaad haysiina haydiin fududeeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here