Gudoomiye Muungaab oo xariga ka jaray waaxda Gaarisa ee degmada C/casiis”SAWIRRO”

0
3482

Gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” oo ay wehliyaan mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta xariga ka jaray xarunta waaxda Gaarisa ee degmada C/casiis ee gobolka Banaadir oo dib u dayactir lagu sameeyay.

Gudoomiyaha degmada C/casiis Cismaan Muxiyadiin Cali Cariif oo munaasabadda waaxdan xariga looga jarayay hadal ka jeediyay ayaa u mahadceliyay maamulka gobolka Banaadir iyo hay’adda DRC oo dhismaha xarunta hirgelisay.

Gudoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” ayaa sheegay in howlaha lagu dayactiraayo xarumaha muhiimka ah ay sii socon doonaan isla markaana maamulka ay ka go’an tahay in ay dardargeliyaan howlaha ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed oo ku nool degmooyinka gobolka Banaadir.

Dhinaca kale gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Banaadir Ismaaciil Macalim Cabdi Guure ayaa tababar socon doona muddo labo cisho ah u furey 35 qof oo ka tirsan waaxda canshuuraha ee dowladda Hoose ee Xamar.

C/qaadir Muxiyadiin Dalxa oo ah wakiilka dowladda Hoose ee Xamar u qaabilsan horumarinta dhaqaalaha oo furitaanka tababarka ka hadlay ayaa sheegay in tababarkan ay dowladda Hoose ka gacansiinayso ururka shaqaalaha Aduunka ee ILO.

Gudoomiyaha ku xigeenka dhanka maaliyadda ee maamulka gobolka Banaadir Ismaaciil Macalim Cabdi “Guure” ayaa ka hadlay ahmiyadda ay wadanka u leedahaya qaadista canshuurta, isagoo tilmaamay in canshuurtu ay tahay laf-dhabarta dhaqaalaha wadanka.

_MG_0822 _MG_0829 _MG_0832 _MG_0835 _MG_0836 _MG_0845 _MG_0850 _MG_0857 _MG_0873 _MG_0874 _MG_0885 _MG_0896

 

 

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here