Gudoomiye Taabit oo caruurta Madaxweynihii hore C/llaahi Yuusuf Axmed dib ugu celiyay dhul laga heystay+Sawirro

Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa ku guuleeystay in uu dib ugu soo celiyo Dhul ay leeyihiin   allaha u Naxariistii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed Caruurtiisa oo ku yaalla Degmadda Wadajir ee Gobolka Banaadir, dhulkaas oo  in muddo ah si sharci darro ah lagu heystay.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaaladda Muqdisho, Mudane Taabit Cabdi Maxamed, ayaa Sheegay in Qof muwaadin ah aan laga heysan Karin Hantidiisa, Wuxuuna Balan ku qaaday in  loo Dulqaadan doonin shaqsi Guri uusan laheyn si aan sharci darro ah ku heysta, lagana qaadi doono.

Fulinta howshaan,  ayaa goob joog waxaa u ahaa Maamulka Degmadda Wadajir, Xilibaano, Siyaasiyiin, Odayaal Dhaqameed, qaar ka mid ah Caruurtii uu dhalay allaha unaxariistee Maxaweynihii hore ee Soomaaliya,  Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here