Gudoonka baarlamaanka Soomaaliya oo ka qayb galay shir ka furmay Kampala

0
1220

Shirkaa Maanta ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda oo ujeedkiisu yahay sidii gudoomnka baarlamaanka federaalka ah eee Soomaaliya iyo hay.adaha taageera baarlamaanka ay iskula meel dhigi lahaayeen sida ugu haboon ee loo dhameeestiri karo howlaha xiligaan horyaala golaha iyadoo la qabto sanad kasta marka uu xirmo kalfadhiga baarlamaanka.

kulankaan maanta ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa waxaa ka qayb galaya  gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya mudane Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari gudoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka mudane Jeylaani Nuur Iikar iyo gudoomiye ku xigeenka labaad mudane Mahad Cabdale Cawad sidoo kale waxaa goob joog ka ah inta badan madaxda hay.adaha baarlamaanka taageera sida uu soo sheegayo wariyaha warbaahinta Qaranka Cabdi Fitaax Jeyte oo madasha shirka ku sugan.

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee baaarlamaanka mudane Mahad Cabdalle cawad oo warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa waxaa uu ka hadlay shirkaas maanta ka furmay magaalada Kampala waxana uu sheegay in muhiimadu ay tahay faaqidaad lagu sameeyo waxyaabihii u qabsoomay baarlamaanka kalfadhigii shanaad.

“waxaan hadda guda galnay faaqideynta kalfadhigii shanaad waxa baarlamanaka u qabsoomay wuxuu qorshihiisu ahaa waxa ka dhiman iyo sida loo guda gali doono howsha kalfadhiga soo socda oo bilaabmi doona 15 ka bisha Aprilwaxaan nagu soo biiray wasiiru dowlaha xiriirka baarlamaanka ee xafiiska ra,iisul wasaaraha oo ka warbixiyay waxa xukuumada uga qarsheysan xaga sharci dajinta waxaana hay.adaha la weydiiyaa hadba waxa u qorsheysan iyo sida ay ula jaanqaadi karaan “ayuu yiri mr Cawad.

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here