HA QARSAN DAMBIILAHA!!! {WAA FAALO XIISO BADAN}

5056

waxeey ahayd maalin kale oo meel madoow ka galaysa taariikhda Soomaalida,waxaan waynay masuuliyiin iyo muwaadiniin ku baxay dhagarta Argagixisada.

maqaalkaan waxaan ku ifinaynaa waxa uu weerarkaan uga dhiganyahay Shabaab, dadwaynaha Somaaliyeed waxa la gudboon iyo saamaynta uu ku reebayo Dawladda Soomaaliya.

Argagixisada

haddii aan ku hormaro iyo falkoodii,inagoo dib u eegaynaa ficiladoodii layaab wayn naguma noqonayo waana shaqo maalmeedkooda caadiga ah in sida ardaygu ugu kalaho waxbarashada,ama ganacsaduhu ugu mashquulo suuqa ayay ugu maqanyihiin nuuc kasta oo ay ku waxyeeleenkaraan hadba intii ay heli karaan waliba sida ay falalkoodu u kala waxyeello badanyihiin ayay ugu kala muhiimsanyihiin,in ay fuliyaan falal nuucaan oo kala ah waa arki karaa maadaama ay yihiin koox dhamaanteed aan lahayn camal aan ahayn dil waxaana mararka qaar caawinaya in ay gacmaha ay wax ku fuliyaan yihiin dhalinyaro Soomaaliyeed oo maskaxda laga badalay halka macalimiintu ay yihiin ajaanib noloshoodu ku tiirsantahay meel aan daganayn maadaama ay danbiyo ka galeen dunida deggan.

aan eegno maxeey ku kordhinaysaa kooxda­­­­ oo maalinkasta aan areyno iyagoo dhuminaya dhulkii ay gacanta ku haysay,dhimashada horjoogayaashooda,kala qaybsanaanta dhexdooda ah oo waagii barya badanaynsa iyo badashada inta ka bogsoonaysa cudurka argagixisada

,inagoo ku dhisayna weeraradii ay kooxdu horay ufulisay oo aan daawayn dhamaan xaaladaha aan soo sheegnay waxaan dhihikarnaa hal shay unbaay ku kordhinaysaa tani, taas oo ah danbiga ay galayaan unbaay ilaah agti iyo noolaha dunida dareenkooda sii badinaysaa.

Shacabka

Dadka Soomaaliyeed oo ah dhibanayaasha falalka Argagixisada,dhawr siyaabood ayuu weerarkasta u taabtaa dadkeena,1-meelkasta oo ay argagixisadu fal ka fuliso waxaa si toos ah iyo si dadban ugu dhibtooda ha ahaato dhimasho,dhaawac,xarig,sumcad-darro dalka gaarta iyo kuwo kale.

inkasta oo aan hubo in inta badan Soomaalidu ay muujiso nacaybka ay u hayso kooxahaan,hadana waxaan la inkirikarin in fal kasta oo ay maleegayaan kooxdaan uu ka war hayo ugu yaraan hal qof sida milkiilaha goobta lagu diyaarinayo,dariska,ganacsadaha laga iibinayo waxa la isticmaalayo ama xitaa uu qofkeen yaqaano qaar ka mid ah maranhabawsanayaasha lana wadaagin macluumaadka Amniga ha ugayso cabsi,ku qanacsanaan ama  ha is yiraahdo maxaa kaa quseeya haduusan adiga kuu socon hadana aan dhamaanteen milicsano natiijada falka oo haddii uusan maanta ku saamayn aadan ogayn barri waxa dhacaya, waloow aan hubo in qaar badan ay ka shalaayaan marka uu fal ay qarsadeen galaafto qof ay jelaayeen,waxaa kaloo xusuus mudan in aan maskaxda ku hayno qaybta aad ku yeelankarto dunuubta ka dhalata wixii aad qarisay.

hadaba soo nalama gudboona marka aan garawsano xaaladahaan, kuna darno halka ay noo waddo Argagixisadu oo ka bilaabata dil kuna dhamaata dil in aan ku noqono maskaxdeenna si kale haddii aan u dhigno soo madhihikarno soo afjaridda arinkaan waxeey imaanaysaa maalinta aan dhamaanteen noqono ciidamo ka dhan ah falalkaan mar haddii aan dhamaanteen isla garanay in aan nahay dhibanayaal intii aan ka koobnaanlahayn kuwo maanta ku baxa arinkaan,ku dhaawacmay u barooranaya kuwii ay jeclaayeen ama sugaya wadadaas waatii maahmaahdii ahayd gayrkiis loo xiiryoow adna soo qooyso.

dawladda

inteenna ka warqabta dadaalka Dawladda ee ladagaallanka cadawga waan qirsanahay in wax badan laga naafeeyay ku tala galka Argagixisada, tusaalaha ugu yarna waxaan ka dhigayaa bal qiyaas inta qof ee ay doonayaan in ay dilaan Shabaab ka dibna soo qaado inta maleeshiyaad ah ee raadinaya dadkaas ka dibna u qaybi inta ay fuliyaan una fiiri maalinle,kaba soo qaad  in Muqdisho ay maalin kasta diyaariyaan in lasoo dilo 50 qof, miyay sidaas u dhacdaa jawaabto waa maya, libtaa soo ma siinkarno Ciidamada anagoo aan halmaamayn qadarka alaah iyo caawinaada Shacabka,

inkasta oo ay taasi jirto hadana kama saarayso meesha waajibka Dastuuriga ah ee faraya Dawladda in ay sugto amniga muwaadiniinteeda,qaar badan oo naga mid ah marka ay arkaan sida ay Argagixisadu u badbadalayso tabaheeda waxaa markiiba kusoo dhicikarta maa Dawladdu diyaarsato qubaro ayana diyaariya sidii looga hortagilahaa dhagartaas isla markaana daraaseeya hadba meesha aan ka nugulnahay waloow ay macquultahay in ayba jiraan haddaba.

gunaanad

dhamaanteen Dawlad iyo Shacaba mar haddii aan wadanahay dhibinayaal waa in aan muujinaa midnimo,geesinimo maskax,muruq iyo maalna isugu gayno sidii aan uga adkaan laheyn kuwa doonaya in ay nagu hayaan daganaasho la’an, dibna u dhigano waxyaabaha yaryar ee aan ku kala duwanahay inta aan ka adkaanayno cadawga aan midkeenna dhaafayn.

W/D/Cabdi Raxmaan Yuusuf Sheikh Al Cadaala

 

Did you like this? Share it:

4 COMMENTS

  1. waa waxaan dhamaanteen ka dharagsanahy hadaan nahay inta diirka naxa leh ama Soomaalinimadu ay ku dambeyso ficilada arxan darada ah oo ay cirib tirayaan adeegayaasha bulshada, aqoonyahanka, indheer garadka iyo ardayda mustaqbalka . Waxaase cajiib ah oo la yaab ila leh ninka Somaalinimada sheeganaya ee hadana ku qanacsan ficilada dadkaasi ay sameynayaan Allah Ayaan weydiisaneynaaa inuu inta Soomaalinimada neceb naga qabto

  2. Nabaddiidka waa kooxo Qandaraas ku qaatey xasuuqa shacabka soomaliyeed dilala qorsheysan iyo qaraxyo isdabajoog ah Umad aan mideysneyn marwalbo sidaan ayey u dayacan tahay mogdisho oo ka yar 24 km sqre in ciidan ka badan 50000 kun ay nabadgalyadeeda sugi wayaan waa arin su,aasheeda leh?
    1) waxaa la diidan yahay jiritaanka qaran , dowlad, shacab soomali ku abtirsado u fiirso xiliga ay qaraxyada dhacaan
    markuu qaran dhaco jawaabta laga bixiyo mogdisho in ay amaan noqoto way sahlan tahay waa marka dadkii lahaa ay helaan cadalad ay iyaga ayaheeda ay ka tashadaan mogdisho waxay dareemeysaa in la dulmiyey dulmin dhinac aqoon la,aaneed, dhinac xaasadnimo, xaga qabiilada kale, dhinanaca Aargoosi qabiil madaxtii timaado waxay doonaan ayey sameeyaan qofkey rabaan ayey magacabaan hadiii aan xusuusteena dib u celino gudoomiye muungaab wuxuu si cad u codsadey in boliis iyo nabadsugig gobolka loo mdaxbaneeyo shacabka mogdisho waxay rabaan maxaaa loo diidan yahay in ay noqdaan gobol buuxo oo leh maqaam gaar ah mar hadii dowlada dhexe ay ku shaqeyneyso caasimada aduunka ayagoo gobol ah hadana waxay lee yihiin maamul gobolka u gaar ah sanankaan soomali runta ha isku sheegto hana midowdo
    2) maxay deegaanada beesha hawiye ay degto aysan u laheyn maamulo goboleedyo qabiilada kale waxay beeeshaan ku wadaan aargoosi qabiil loolan u dhexeeyo qabiilada wixii dhacay 50 ay soomali xorta tahay
    loolalan qabiil cid ku guuleysaneyso ma jirto waa doon soomali oo dhan ay wada saaran yihiin qabiilada marma mid duleelinaayo qabiilada waxay ogaadeen in soomali wada qasaartey meesha ay qabiilada kala aargoosan lahayeen waxay aheyd in qabiilkii qaladka galey in aan loo arkin in uu maanta daciif yahay leysagu tagin waayo berito markuu fursad helo asagna sidaas oo kale ayuu sameenyaa tusaale maamul u sameyn gobolada dhexe waxa hortaaagan dhoor arimood kow general galaal oo dowladaan taladiii aysan kala tashan dadaalkii uu waday in dowlada ayadoo waxba la socon kooxo run aan ogeyn u waramey general galaal dowladii kacaanka wuxuu u qabilsanaa xaga siyaasada dhinaca ciidanka xujadiii uu xero in la furo way adag tahay xasan iyo kooxdiisa aqoon wey uma lehan generalka in kasto uu ciil qabo markii sharafta loogaga qaadey islii shabaqle la saarey sharaf beel sarkaal sharaf lahaa lakiin sharafkiisii difaacan waayey waayo qalad asgaa mar horey galey wuxuu qeyb ka ahaa burburkii ciidanka xooga dalka soomaliyeed wuxuu ku lee yahay taariikh madow sideey sarakiil goobjoog ahaa waxay ii sheegeyn in maalintii xarunta taliska bartiii hogaaminta ciidanka la biliqeysaneeyey uu goobjoog ahaa wuxuuna ka celin karey waxaa isla joogey asga iyo general nero waxay aheyd bar qalab casri ah uu ku xirnaa
    hada waa odey ciil qabo danta iyo daruufta ay meel saxaro ah ay fadhiisisey waxay aheyd in talada wax laga siiyo ama si sharafeed ah loogu maamuuso odeyga generalka waxaan oo dhan wuu kala furfuri karaaa
    cirfo fudeedka ha joojiyo arin fududeed ayuu sii murjirey dagaal soomali 25 sanno ay soo aragtey dagaal xal maahan soomali xoolo ayey noqdeen diintooda waa lacag xataa masaajidyada ayaa lagu baxsan waayey soomaliyey maxaa dhiman oo harsan
    3) dilalka loo geystey sarakiishii duulista hawada waxaa ka dambeeyo cadowga soomaliya kooxihii ku taajirey lacagtiii hawada soomaliya waayo malaayiin dollar ayaa sannado badan laga macaashey welina raali laguma ahan in si tooos hawada soomaliya caasimada soomaliya laga maamulo wax walbo ay ku qaadato way sameenayaan in hawada soomali meelo kale laga maamulo
    4)wadamada deriska 25 sanno ugu dambeeyey soomali dhinacyo badan ayey ka maamulaan waayo qofka soomaliga ee mas,uulka ah waxaa laga dhigey tuug aan waxba lagu aamini karin wasiir ilaa madaxweyne
    waxay soomaliya ka maamulaan dhinaca dhaqaalaha tusaale bankiyada wadamada deriska waxay sananad walbo ma macaashaan lacagta dadka soomalida ay eheladooda oo diraan iyadoo dollar ah waxay soomartaa bankiyada wadamada deriska soomaliya waxaa laga horgoogaa in bankiyadeeda ay noqdaan kuwa aduunka la jaanqaado maaulgoboleedyada ama dowlada dhexe inta ay bankiyadeeda dhexe ay aduunka u furi laheyd waxay ku mashuuleynlacag aruursi dalxiis iyo duurjoog umad dhinacwalbo ka dayacan midba midka kale jabkiisa u ku farxo
    arooska iyo tacsiyada waa leysla wada joogaan waxaad arkeysaa in maamul goboleedyada qabiilka ku dhisan ay marwalbo u cararaan wadamada deriska aad moodo in dowlada deriska ay xukumaan awooda soomaliya
    waxaa jiro shirqoolo badan ay wadaan wadamada deriska kooxa nabaddiidka yaa hubka siiyo waxaa suuqa ku jirto in ciidanka amisoom qaarkood aay hubka ka iibiyaan kuwa nabaddiidka ama kubka iyo sirta ay siiyaan waxaa moodaa in uu xiriir ka dhaxeeyo in ay shaqadooda sii joogaan ciidankana loo korshiyolcagta loo kurdhiyo waxa socdo waa qorsho la rabo in lacagtiii soomaliya loogu deeqay sidaas ay ku dhamaato iyadoo aan soomali waxba laga siin hadana loo qabto shir kale lacag loooguga aruurinaayo mucaawino lacag qorshe wadamada waxay si taas ay faraha kula jiraan arimaha soomaliya ayagoo arkaaayo in dantooda ay ku jirto in soomaliya ay kusiii jirto burburka aysan weligood heshiinin aduunkana loo tuso dad is nacay waxba aan isku ogoleyn in laga maamulo dhinac walbo ileen isma maqlaan ismana maamuli karaaa hala maamulo waayo waa xoolo aan caqli laheyn
    5) maxaa xeerka saxaafada iyo midka argaxisada barlamaanka u ansixin waayey waayo waxaa jiro weriyalaa ku taajirey dhiiga shacabka xildhibaano, sarakiil ciidan ganacsato aqoon yahan qurbo joog, maaulo in ay go,aan rabo qabiil dartiis aduunka soomaliya oo qeybsan ma rabo qaraxyada waxaa fududeeyo dad dowlada ku jiro hadana la shaqeysto kuwa qandaraaska lagu siiyo in ay soomaliya nabad noqon waayo hada lama rabo in ay soomaliya aduunka ku soo noqoto madaxddii fahmi laheyn wax yar oo lacag iyo kursi ay ku mashquuuleyn
    qof walbo fashilmey weli damac ayaa ku jiro in uu kursi kale helo soomalieey maxaa harey oo dhiman
    6) runtii soomali ma rabto sharci iyo kala dambeyn qof walbo ama qabiil walbo asagaa isla weyn qofkii shaqo fiican qabto kun ceyb ayaa loo yeelayaa sharciga iyo dowladnimada hadiii aan laga cabsan macnaha waa dowlad iyo qaran la,aan u fiirso wixii dhacay labadii sanno ugu dambeeysey tusaale shanbalooshe markii uu amniga wax ka qabtey waxaa ka horyimid xildhibaano maal geliyo kuwa nabaddiidka si ay ku sii wataa boobka dhaca ay ku wadaan wadanka sharciga waa loo siman yahay waxaan garan waayey qofkii qalad galo maxaa gadaal loo marsadaa shambalooshe qalad yar oo farsamo uu galey ayaa xilkii looga qaadey taas uu qaladkeeda lahaa r/w hore yuulkawaayo yuulka wuxuu wadey aargooosi qabiil waayo ficiladiisa ayaa kuu muujinaayo hadana weli wuxuu eeganayaa shaqsiyaadka ku dhow madaxweynaha waayo wuxuu amin sanyahay islaweyni in caasimada meel darood la geeyo marka laga reebo beesha hawiye beelaha kale waxay caasimada u joogaan caloooshooda iyo danta qabiilkooda aawe midnimadii soomaliya
    7) talaabo kasto dowladaan qaado oo wanaag ah kun ceyb ayaa loo yeelayaa waxaa la bartilmaameydsadey shaqsiyaad daacad ah oo madaxweynaha ku dhaw hada waxaa ka maqan taariikh hore wixii dhacay shaqsiyaadkiii taariikhdaa sameeyey siduu xaal ahaa siuu xalka isku bedeley waxaa moodaa in aan noqoney sidiii xukumadihii Andalus 325 dowlada iswada diidan ayaa sameysmey markii dambe lagu kala tagey gabagabada waxay tahay masidii dumarkaa u ooynaa hadiii aan sidiii rag aan u badbaadsan weyney dadlkeeda dalkeena iyo diinteeda
    soomalieyey maxaa dhiman oo aan sugnaa maxaa harey oo dhiman sirta madaxtooyada banaanka ay talaa shacabkii oo dhan waa wada basaasiin wadankooda dalaal u noqdey sidii loo boobi lahaa xalka soomaliya waa in ay soomaliya ay muraayad isku fiiriyaan madaxda soomaliya waa madaxda aduunka ugu liito lagu jees jeeso ayga is lugooyo wadamada deriska bil walbo u safro aad moodid in wadamada deriska laga xukumo ciidamada wadamada deriska inta ay soomali joogaan uma maleenaayo in ay soomali nabad noqon karto waayo waxay sameenayaan siyaasada laba weji ku dhisan mid ay soomalida isku dirayaan madax iyo maamul mida ay dhaqaalihii lacagtii soomaliya loogu deeqay ay ku dhisanayaan ciidamadooda ciidankii soomaliyana aan mushaar la siinin waxaa aaminsanahay hadii ciidan qalabka sida ee soomalia sarkaalkii la siiyo 500 dollar askariga la siiyo 20o dollar in ay mudo yar ay soomaliya nabad ku noqon laheyd ciidamo wadamada deriska midkii 2000 qaato hubka la siiyo uu iibsadi si ay soomaliya usiii qasnaato madaxda soomaliya been ha isku sheegina sidaan nabad lagu helo maalinwalbo waxaan ku waaynaa rag indho u ah soomaliya qaraxyada Heybad iyo sharaf waxaad ku leedahay dhul hooyo waa mid aan hooy lagaa oraneyn soomaliya ha midowdo sharciga waa in laga baqaa

  3. Wa mahadsanthy cabdiraxman al cadaala fikirka saliimka ah e kentay wa in shacabka iyo dowlada aan lo kala harin la dagaalanka kooxaha Nabad diidka ah dowlada fedaraalka somaalia waxan ka codsanoya in rag ka tirsan al shabaab Hadi la qabto Isla maalinti dil toogasho ah halagu xukumo waayo dad somaaliyed aye dileen marka waxan lehay dhalinyarada caadestay dilka shacabka somaaliyed waxan lehay waxasi nigama yeeleyno anaga hadaa nahay shacabka somaaliyed

  4. Waxana alle aan ka baryaa in uu naga badbaadiyo dhagartood waxana umada somaliyed ugu baqayaa in meel kaga so wada jeeestaan dadka donayaa in aan gaarno hormar iyo nolol barwaaqo leh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here