HAB-QORAALKA IYO TAARIIKHDA FAR-SOOMAALIGA (Maqaal)

Waa maxay qoraal?
Qoraal waa nidaam loo dhigo ama loo qora xarfo si kala horreyso, iyadoo loo is ticmaalayo in fariin lagu gudbiyo (warbixin ama aqoon) ama xog lagu keydiyo. Qoraalku waa aas-aaska isgaarsiinta aadanaha kaasoo marka la dhigo ama la qoro isku turjumayo luuqad, dareen iyo xogaha ay dadku sida caadiga ah isu gaarsiiyaan, sida dhabta ah qoraalku waa laamaha hadalka, sababto oo ah qoraalka asigaa hadal loo beddeli karaa ama hadalka ayaa qoraal loo beddeli karaa. Sidaa darteed ayuu qoraalku u noqonayaa meesha ay ka dhisan tahay isgaarsiinta Aadanaha ee waliba casriga ah.

Qoraalka iyo luuqadda
Waa maxay luuqad?

Si guud luuqadi waa hab hadal isu gudbina oo ay dad gaara isla yaqaanaan, taasoo aysan garan Karin dad aan iyaga ka mid eheyn ama aanan baran.

Sharaxaad
Qoraalku waa astaamo laga dhigay xarfo, kaasi oo ay koox dad isla yaqaanaan, isla markaana ku saleysan dhawaaq, dhawaaqaas oo aynu u garan ognahay luuqad.

Tusaale: Af-Soomaaligu waxa uu leeyahay hab-qoraal u gaara, kaasi uusan si gaara ula wadaagin luuqad kale, taasi oo ku dhisan xarfo la isku xiray oo isu beddelay (eray) iyo erayo la isku xiray, iyadoo la raacayo sida ay isku leeyihiin isuna beddelay (hawraar). Sida inta badan ay qabaan culimada Afka xarfaha Far-Soomaaliga wax ay u yaqaanan (Alifbeeto), alifbeetada Far-Soomaaliga.
Tiirarka qoraalka.

Sida aan ku soo cadeynay sharaxaadeeni hore, waxaan si cad u jeex-jeexnay waxa uu yahay qoraalku, si la mida waxaan rabnaa inaan halkaan ku beegsano qoraalku sal ma leeyahay? Jawaabo waa haa. Qoraalku sidiisaba waxa uu macna yeeshaa marki la qoro oo macnaheedu yahay, in la keydiyo waxaana wax keydiyo qoraa ama qalin maal. Sidaa daraadeed goormuu qalin maalku wax qoraa?
Waxa uu wax qoraa marki ay timaado ogaasho, ama baaris.

Yaa horreeyo ogaasho iyo baaris, sida aad ka gara kartid qeexideena waxaa horreeyo baaris, laakiin marka si kale loo dhigo waxba isma dheera waayo:
Ogaashadu: ogaasho waa in wax la ogaado, laakiin haddana waxa ay la macna tahay marka aan haddana wax tabo oo macnaheedu yahay, in aan ogaado in wax iga maqan yihiin ee aan u guntado in aan wixi iga maqnaa raadi, taasi ayaana macneheedu noqdaa (baaris).

Baaris: baaris waa eray amar ah, waana in aad raadisid wax kaa maqan. Sidaa aawadeed baaristu waxa ay timaadaad marka aad ogaatid caqabad ku heysato una baahan xal. Aadanaha waa caaqil, marki ugu horeysay ee dunida la keenay ayaana lagu ilhaamiyay inuu wax baaro. Taasna waxa daliil u ah suuradda qur’aanka ugu soo horeysay aayaadkeeda koowaad, waa suratul Iqree, kuwaas oo lagu sheegay in akhrisku horeeyo kadibna Alla weyne sheegay qalinka wax lagu qoro.

Isku soo wada duuboo innahaas iyo ka badanba waxa ay inoo cadeynayaa muhiimada ay baaristu leedahay.
Xarfaha Far-Soomaaliga.

Muhiim mahan in aan ku sheego xarfaha far-Soomaaliga, laakiin waxay ay noqotay lagama maarmaan, marki qofkasta ee wax qortaahi ay qalad aan loo meel dayin ku dhacday. Xarfaha far-Soomaaligu waa xarfa cayiman, oo waqti la qoray la ogyahay si taasi aan kuu xasuusiyo, waa 21-xaraf oo shibbane ah iyo toban shaqal oo shaqal gaab iyo shaqal dheer isugu jiro.

Shibbane: B, T, J, X, KH, D, R, S, SH, DH, C, G, F, Q, K, L, M, N, W, H iyo Y.
Shaqal gaab: A, E, I, O iyo U.
Shaqal dheer: AA, EE, II, OO iyo UU.
FG: xarfahaas wixi ka baxsan qoraalki af-Soomaali ah ee wataa waxa uu ka dhigan yahay, in lagu curyaaminayo horumarka farteena. Waxaana ku dhiirri galinayaa qorayaasha Soomaaliyeed inay ka digtoonaadaan dhibaatada farteena lagu hayo qalin maalka Soomaaliyeed.

TAARIIKHDA QORAALKA FAR SOOMAALIGA (Q-1)
Af-Soomaaligu waxaa uu ka mid yahay luuqadaha Geeska Afrika kuwa ay ku hadlaan dadka ugu tiro badani (waxa uuna galaa bahweynta kuushta “Cushitic language”). Dadka Soomaaliyeed ee ku hadlana waxay ku dhaqan yihiin dal-weynihiin gumeystihu 1884-85 kala qeybsaday ee la isku oran jiray Soomaali-weyn, inta u dhexeyso gacanka Tojorra ilaa iyo webiga Tana ee dhulka ay Kiiniya innaga heysato oo ay u la baxday Waqooyi Bari Kiinya (annaguna aan u garan ognahay cirifka koofureed “NFD”).

Inkastoo Af-Soomaaliga ay ku hadlaan dad tiradaas leh ee ku baahsan dhulka baaxadaas ballaadhan leh, haddana qoraal rasmi ah oo ay dadka Soomaaliyeed ku dhaqmaan wuxuu yeeshay 1972 dii. Muddadii intaas ka horreysay qoraalada ay dadweynaha Soomaaliyeed ku wada xidhiidhaan wuxuu ahaa luuqadaha Carabiga, Ingiriisiga iyo Talyaaniga iyo qoraalo ay aqoonyahanku qaar isku dayeen inay sameeyaan laakiin aan wada hirgalin, sida fartii cusmaaniyada.

Si arrintaas loo gudbo waxaa la isku dayey inay wax ka qabtaan aqoonyahano Soomaali iyo ajinebi isugu jira. Tusaale ahaan, sannadkii 1961 waxaa lasoo bandhigey Guddiga Luuqadaha (Linguistic Commission) 18 nooc oo Af-Soomaaliga loo qori karo (scripts). 11 farahaas ka mid ah waxay ka mid ahaayeen faro cusub oo ay aqoon-yahano Soomaaliyeed allifeen. Toddobada soo hadhayna 4 ka mid ahi waxay adeegsadeen farta Carabiga, halka ay 3-da kale ku salleysnaayeen qoraalka Laatiinka.

Muddadii ka horreysay 1972-kii oo aheyd, sida aan kor ku soo xusnayba, markii xukuumada Soomaaliyeed soo saartay go’aankii qoraalka la aqoonsan yahay ee Af-Soomaaliga waxaa aqoonyahanada foogan Af-Soomaaliga ka dhex alloosnaa dood aad u kulul oo ku aadaneyd nooca qoraalka loo aqoonsanayo Af-Soomaaliga (Official Somali Script). Run ahaantii, dhibaatada taalay ee marnaba suurto gelin weyday in la helo go’aan la isku raacsan yahay waxay ahayd fikirka iyo aragtiyada ay qeybaha bulshaddu ka qabeen arrinkaas oo aad u kala fogaa. Aqoonyahanada hormuudka ka ahaa figradahaa kala duwan waxaa ka mid ahaa: Yaasiin Cismaan Kenadiid, Shire Jaamac Axmed, Ibraahim Xaashi Maxamuud, Xuseen Sheekh Axmed Kadare iyo qaar kale oo badan. Sidaas daraadeed, waxaa aynu oran karnaa dadaal ma yareyn, laakiin waxaa jirtey dood la soo af jari kari waayey.

Waxaa iyana intaas dheeraa sababo kale oo dhawr ah oo loo aaneyn karo qoraal la’aanta Far-Soomaaliga. Tan koowaad waxaa la oran karaa waxaa aan xil weyn iska saarin hirgelinta qoraalka Far-Soomaaliga xukuumadihii gumeysiga ee Ingiriiska, Faransiiska iyo Talyaaniga.

Midda labaad waxay aheyd Dadweynaha Soomaaliyeed oo u arkayey in la isticmaalo far aan ahayn tan Carabiga inay diinta Islaamka lid ku tahay. Tusaale ahaan, wax yar ka hor Dagaalkii Labaad ee Adduunka waxay Waaxda Waxbarashadda ee maxmiyada Ingiriiska ee ka jirtey Gobolada Waqooyi isku dayday inay hirgeliso qoraal farta Soomaaliga ah oo ku salleysan xuruufta Laatiinka, balse waxay Dadku waxay ku dhawaaqayeen erayada ah “Laatiin waa La’ Diin”, taas oo macnaheedu yahay “Laatiin waa diin la’aan.” Waxaa dagaalo aad u kulul iskaga hor yimid shacab weynihii mudaharaadka dhigayey iyo Ciidamadii booliiska ama amniga, taasi oo dhalisay in dib looga noqdo mashruucaas isaga ah.

Tan saddexaad, waxaa iyana wax laga saari karaa qoraal la’aanta Far Soomaaliga isticmaalka luuqadda Carabiga oo Soomaalidu aad ugu adeegsan jirtey dhinacyo badan oo ku aaddan adeegyada bulshadda iyo arrimaha bulshada ah, sida arrimaha shareecada, ganacsiga, iwm, taasi oo malaha dhalisay inay yaraato baahida loo qabo qorrida af Soomaaliga.

Haddaba, qoraalkan kan xiga ayaan waxaanu si kooban ugu soo bandhigi doonnaa taariikhda qoraalka af Soomaaliga oo maanta Soomaalida badankeedu aanay wax badan ka aqoonin, gaar ahaan intii dagaalada sokeeye socdeen oo qoraalo badan iyo aqoon badan oo af Soomaaliga ku aaddaa intiba ay lumeen.

La soco qeybta 2-aad.

W/D: DALJIR ABDULLAHI NUUR
EMAIL: [email protected]/ +252 615 985482
Waana habeyntii C/laahi Ruush

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here