HADALJEEDINTII GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA

FURITAANKA KALFADHIGA 3-AAD EE
BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA

Mogadishu, 10ka Maarso 2018

Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya
Golaha Shacabka Soomaaliya
Xafiiska Guddoomiyaha

جمھوریة الصومال الفیدرالیة
مجلس الشعب الصومال
الرئیس مكتب Federal Republic of Somalia
House of the People of Somalia
Office of the Speaker

Hadaljeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya
Furitaanka Kalfadhiga 3-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Taariikh: 10ka Maarso 2018

Bogga 1-aad

1 GOGOLDHIG
M.ne Madaxweynaha Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya;
M.ne Guddoomiyaha Aqalka Sare;
M.ne Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka;
Mudaneyaalka Labada Gole ee BFS;
M.ne R/Wasaare, Mudaneyaalka Golaha Fulinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya;
Mudaneyaalka Guddoomiyeyalka Goleyaasha Xeer-dejinta Dowlad Goboleedyada;
Mudaneyaalka Denjireyaalka Dowladahooda u fadhiya Soomaaliya;
Ergayga Gaar ah ee Qurumaha Midoobay u fadhiya Soomaaliya;
Ergayga Gaar ah ee Midowga Afrika;
Wakiillada, Culumaa’udiinka, Odeyaal-Dhaqameedka, Dhallinyada, Haweenka, Ciidamada
Qalabka Sida iyo qaybaha kale ee mattalaya Bulshada Rayidka;
Martida Sharafta leh;
Assalaamu Calaykum Wa Raxmatullaahi Wa Barakaatuh.

 

Anigoo ku hadalaya Magaca Guddoonka iyo xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya,
naga guddooma salaan diiran, qaddarin gaar iyo Mahad aan idinku hayno casuumadda
munaasabaddan oo aad soo ajiibteen.

 

Furitaanka Kalfadhiyada Goleyaasha Baarlaamaanka Federaalka waa mid ahmiyad gaar u
leh Labadan Gole. Sida uu qabo Qodobka 90 (g) ee Dastuurka waa munasabad dastuuri
ah oo BFS u suurtogeliya in uu Madaxweynaha Jumhuuriyadda Federaalka ka dhegeysto
xaaladda uu ku sugan yahay dalka iyo arrimaha ugu muhiimsan ee horyaal, iyo jihaynta
siyaasadda ugu habboon ay la tahay in lagu maareeyo laguna hoggaamiyo danaha guud ee
qaranka iyo in uu labada Gole ee BFS u tilmaamo arrimaha looga baahan yahay in uu
kalfadhigan ku fulo.

 

M.ne Madaxweyne, Kalfadhigan 3-aad waa ka duwan yahay kalfadhiyadii ka horeeyey,
waayo waa markii ugu horeysay ee labada Gole ee BFS kulan wadajir ah isku goob, isku
maalin aad u furto ayadoo weliba ay goobjoog u yihiin wufuud ay hoggaaminayaan
Guddoomiyeyeesha Goleyaasha Xeer-dejinta Dowlad Goboleedayada Soomaaliya oo
dhan, taas oo micnaheedu yahay in ay maanta ku wada hor fadhiyaan dhammaan
wakiillada shacbiga soomaaliyeed ee xeer-dejinta dalka oo dhami, waxaa kaloo kulankani
uu ka tarjumayaa midnimada Goleyaasha iyo in ay ka go’an tahay in ay iska kaashadaan
hirgelinta federaaleynta dalka.

 

2 ARRIMAHA UGU MUHIIMSAN AY TAHAY IN DIIRADDA LA SAARO
M.ne Madaxweyne, sanad baa ka soo wareegay muddadii xilhaynta dastuuriga ah ee naloo
igmaday.

In kastoo saddex sano ay muddadas ka harsan tahay, haddana qiyaasteyda waxaa
shaqo wax-ku-ool ah la qaban karo waa Lix iyo Toban (16) bilood uu u dhiganta Afarta
Kalfadhi ee 2018 – 2019, saa daraadeed waxaa muhiim ah in muddadan gaaban aan si

Hadaljeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya
Furitaanka Kalfadhiga 3-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Taariikh: 10ka Maarso 2018

 

buuxda ugu faa’ideysano ayadoo diiradda aan saareyno arrimaha ugu muhiimsan oo
horetebinta u leh una abbaaran u saldhigidda dhismaha dowladnimada waxaa ka mid ah:

 

1. Dib-u-eegista Dastuurka;
2. Dib-u-habeynta iyo Federaaleynta Laanta Garsoorka;
3. Dejinta shuruucda iyo dib-u-dhisidda hay’adaha difaaca oo u xilsaaran ilaalinta
gobonimada qaranka (XDS) iyo hay’adaha sugidda Amniga dalka ee heer federaal;
4. Dejinta shuruucda, dhisidda hay’adaha iyo dimuqraadiyeynta dalka;
5. Midnimada iyo Dib-u-heshiisinta Bulshada;
6. Federaaleynta iyo dejinta xuduud-maamuleedyada Dowlado Goboleedyada;
7. Ka go’aan gaarista Maqaamka magaala madaxda dowaldda ee Muqdisho.

 

Haddaba M.ne Madaxweyne iyo Mudaneyaal intaan qodobadaas muhiimka u gudagelin ii
ogolaada inaan si kooban idinku guud maro howlaha u qabsoomay kalfadhiga 2-aad ee
Golaha Shacabka gaar ahaan dhanka Sharci-jedinta, Korjogteynta, kormeerada iyo
booqashooyinka degaan-doorashooyinka.

 

3 GUUD MAR KOOBAN: MAXAA U QABSOMAY GOLAHA SHACABKA KALFADHIGA 2-AAD
Mudane Madaxweyne, waxaa sharaf noo ah in aanu kula wadaagno in Golaha Shacabka
ay u suurtogashay hawlgudasho sharci-dajinneed oo lagu faani karo muddadii uu ku
gudajiray kalfadhigii labaad oo aad uga heer sareeya marka la barbardhigo Baarlamaankii
9aad.

Guud ahaan go’aanada ka soo baxay Golaha Shacabka kalfadhigii la soo dhaafay
waxay dhamaayeen 33 go’aan halka kalfadhigii 2aad ee Baarlamaankii 9aad uu ahaa 14
go’aan.

Golaha Shacabku wuxuu meelmariyey saddex (3) Sharci, 2 Miisaaniyad sanadeed
(2017, 2018), 2 Xisaabxir sanadeed (2015, 2016), 8 Qaraar, 17 Hindise Sharciyeed oo
akhrin koobaad maray oo ay hadda gacanta ku hayaan guddiyada una soo diyaariyaan
akhrinta 2-aad, iyo hal Heshiis Caalami oo hadda suurtageliyey dib-u-soo celinta
muwadiniin Soomaali oo ku jiray xabsiyo. Waxaa sharaf u ah Golaha Shacabka in uu wax
soo saarkiisu sare u kacay qadar dhan 42%. Kormeerka Iyo Korjoogteynta Hay’adaha Ay Guddiyada Golaha Shacabka IskuShaqada Yihiin.

 

Mudane Madaxweyne, iga ogoloow inaan kugu wargaliyo gudashada waajibaadka Golaha
Shacabka ee ku abbaaran la-socodka, korjoogteynta iyo kormeerka hay’adaha dowladda
iyo kuwa kale oo xil ahaan u abbaaran guddiyada Golaha Shacabka. Intii lagu jiray
Kalfadhiga 2-aad guddiyada kulamo dhowro ah la yeesheen dhammaan Wasiirada 26ka
Wasaaradood iyo howlwadeenadooda si ay ugu kuurgalaan howlaha ay fulinayaan. Waxaa
kaloo dhinaca korjogteynta guddiyada u suurtagalay kormeer howleedyo mug leh oo ay ka
mid yihiin:

 

1. Cisbitaalka ay walaalaheen Turkiga gacanta ku hayaan ee Erdogan (ex-digfeer)
2. Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska ee Jeneraal Kaahiye
3. Rugta Ganacsiga

4. Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir
5. Xarunta Taliska Ciidanka Qalabka Sida
6. Xarunta Ciidanka Nabadsugidda
7. Xarunta Ciidanka Asluubta
8. Xarunta Dembibaarista ee CID
9. Dugsiga Tababarka Ciidanka ee Turkiga
10. Garoonka Dayuuradaha Caalamiga ee Aadan Cadde
11. Dekedda Muqdisho
12. Xafiiska Guddiga Dib-u-heshiisiinta
13. Xafiiska Hanti-dhowrka
14. Xabsiga Dhexe
15. Bangiga Dhexe
16. Xafiiska Xisaabiyaha Guud
17. Jaamacadda Umadda
18. Akademiyada Cilmiga iyo Fanka
Booqashooyinka deegaan-doorashooyinka

Xildhibaanada Golaha Shacabka waxaa ku waajib ah booqashooyinka deegaan-
doorashooyinkooda sida uu farayo Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka. Hadaba Mudane Madaxweyne, Xubnaha Golahan oo aan gacan rasmi ah ka helin dowladda iyo hay’adaha
caalamiga ah ee la shaqeeya dowladda ayeey xildhibaanadu is-xilqaan iyo dadaal dheeri ah
u galeen inay safaro ku tagaan degaan-doorashooyinkooda si ay ugu soo kuurgalaan
xaaladaha nololeed ee deegaanadooda, xalinta khilaafaadka shacabka iyo gaarsiinta
adeegyada.
Hadaan kuu soo koobo deegaanada ay warbixinta ka keeneen xildhibaanadu waxaa ka
mid ah:

 

1. Gobolka Togdheer: Degmada Buuhoodle;
2. Gobolka Sanaag: Degmooyinka Badhan, dhahar iyo tuulooyin ay mid yihiin
Midigaale, cowsane iyo rab;
3. Gobolka Sool: Degmada Boocame iyo tuulooyinka Buura-wadal, Hadhwanaag,
Fadhiidhyaale, God-qaboobe, Tukaraq;
4. Gobolka Bari: Degmooyinka Boosaaso, Qardho, Waaciye, Carmo iyo
tuulooyinka ku teedsan laamiga;
5. Gobolka Nugaal: Caasimadda Dowladgoboleedka Puntland ee Garoowe iyo
Degmada Burtinle;
6. Gobolka Mudug: Gaalkacyo, Goldogob, Hobyo iyo Jariiban;
7. Gobolka Galgaduud: Degmooyinka Dhuusamareeb, Cadaado, Caabudwaaq,
Guriceel, Balanbale, Xeraale iyo tuulooyin kaloo badan;
8. Gobolka Hiiraan: Beledweyne;
9. Shabeelaha Dhexe: Caasimadda Dowladgoboleedka Hirshabeelle ee Jowhar,
Degmada Warshiikh, Sida oo kale tuulooyinka Baalyar iyo Koogaar;

10. Shabeelaha Hoose: Caasimadda Dowlad-goboleedka koonfurgalbeed ee
Baraawe, iyo degmooyinka ay ka mid yihiin Afgooye, Marka, Wanlaweyn,
Qoryooley;

11. Gobolka Baay: Caasimadda kmg ah Koofur-Galbeed ee Baydhabo,
Degmooyinka Bardaale iyo Buurhakaba;

12. Gobolka Bakool: Degmada Xudur, Waajid iyo Ceelbarde;

13. Gobolka Jubadda Hoose: Xarunta KMG ah ee Dowladgoboleedka Jubbaland ee
Kismaayo.

Sidoo kale xubno ka mid ah Golaha Shacabka waxay kulamo la yeesheen Jaaliyadaha
Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalal ka mid ah Afrika, Carabta, Yurub iyo Waqooyiga
Ameerika.

 

4 DHAMEYSTIRIDDA DIB-U-EEGISTA DASTUURKA

 

M.ne Madaxweyne iyo mudaneyaal Golaha Shacabka 5tii Diseembar 2017 wuxuu ansixiyey
Qorsho-howleedka Sharci-dejinta ee 2016 – 2020 oo ay ku qeexan yihiin shuruucda looga
baahan yahay in la ansixiyo.

 

Kalfadhigii 2-aad ee 2017 waxaa waqti badan naga qaatay dejinta habraaca lagu fulinayo
geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka iyo kala qoondeynta xilalka u kala abbaaran
hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka. Waxaa muhiim ah in aan wada fahanno in
marxaladda hadda aan joogno waa dib-u-eegis wax laga beddelayo dastuurka ee ma ahan
waana ka soo gudubnay marxaladdii dastuur dejinta oo dhammaatay 1dii Agoosto 2012.

 

Saa daraadeed howlgalkeena waa in uu noqdaa mid aan waqti badan layska lumin lana
mashruucinin dhameystirka Dastuurka. Nasiib wanaag Guddiga isku dhafka ah ee Labada
Aqal ee BFS, Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka iyo
Wasaaradda Dastuurka waxay ku guuleysteen dejinta qorshe mudeysan oo lagu soo
afjarayo geeddi-socodka. M.ne Madaxweyne sidaad horeyba uga dardaarantay, haddii aynu
dooneyno inaan howshan muddo gaaban ku soo afjarno waxaa lagama maarmaan ah si
dib-u-eegista u fududaato waxaa haboon in loo kala qeybiyo:

a. Qodobbada u baahan in lagu sameeyo dib-u-eegis farsamadeed keliya; iyo
b. Cutubyo lagama maarmaan ah in heshiisyo siyaasadeed laga gaaro kuwaasoo
ay ka mid yihiin:

 

i. Kala qoondeynta awoodaha u gaarka ah Dowladda Federaalka iyo
Dowlado Gobolleedyada;
ii. Wadaagga Kheyraadka Dabiiciga ah iyo Dhakhliga guud;
iii. Mabaadii’da gundhigga u ah Maamulka Maaliyadda Dowladda,
Uruurinta Dhakhliga cashuraha iyo awoodaha Kharaj-bixinta iyo
amaah qaadashada.

Arrimaha aan kor ku soo tilmaanay, Dastuurka Federaalka Qodobbadiisa 44 (5), 54 iyo
124 ayaa farmaya in Xukuumadda Federaalka ay ka talageliso Dowlad Goboleedyada.
Ayadoo la fulinaya fariimadaas dastuurku farmay ayaa 6dii Diseembar 2017 Guddiga Dib-

 

u-eegista Dastuurka BFS u gudbiyey R/Wasaaraha Xukuumadda Federaalka iyo Madaxda
Dowlad Goboleedyada in ay u howlgalaan soojeedimahooda iyo talooyinkooda soo
gudbiyaan.

 

Haddaba waxaa naga dardaaran ah in R/Wasaaraha Xukuumadda Federaalka iyo
Madaxweyneyaasha Dowlad Gobolleedyada ay sida ugu dhakhsaha badan ra’yigooda iyo
talooyinkooda isula meeldhigaan una soo gudbiyaan Guddiga Baarlamaanka Federaalka uga xilsaaran Dib-u-eegista Dastuurka si ay ayaga iyo Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-
eegista Dastuurka xilka uga abbaaran u soo gutaan kadibna u soo gudbiyaan ka doodista iyo ansixinta labada Gole ee BFS.

5 DIB-U-HABAYNTA IYO FEDERAALEYNTA LAANTA GARSOORKA

Madaxweyne, Mudaneyaal waa hubaal marag ma doonto ah in garsoor la’aan amni
iyo hormar midna jiri karin. Sharciga garsoorkeena hadda ku dhisan yahay waxaa la
dejiyey muddo hadda laga joogo 58 sano, wuxuuna ku saldhigan yahay dastuurkii 1960kii
oo ka tarjumaya nidaamka guddoonka dowlad dhexe, saa daraadeed waa lagama
maarmaan in garsoorkeena lagu sameeyo dib-u-habeyn lana waafajiyo nidaamka
garsoorka federaaleynta dalka.

Kalfadhigii 2-aad Golaha Shacabka wuxuu dood dheer ka yeeshay arrimaha la xiriira
dhismaha iyo dib-u-habeynta garsoorka dalka iyo in si degdeg ah Baarlamaanka loo
horkeeno Golaha Adeegga Garsoorka taasoo aan suurtagal noqon kalfadhigii 2-aad.
Haddaba M.ne Madaxweyne waxaan mar kale hortaada ka codsanaynaa in dhismaha
nidaamka iyo federaaleynta garsoorka golaha la horkeeno Kalfadhiga 3-aad naguna
taageerto sidii wadajir ay dhammaan hay’adaha u xilsaaran u gudan lahaayeen waajibka ah
dhismo garsoor madaxbannaan oo shacabka soomaaliyeed ku kalsoonaan karo.

6 DEJINTA SHURUUCDA IYO DIB-U-DHISIDDA HAY’ADAHA DIFAACA OO U XILSAARAN
ILAALINTA GOBONIMADA QARANKA (XDS) IYO HAY’ADAHA SUGIDDA AMNIGA
DALKA EE HEER FEDERAAL;

M.ne Madaxweyne, Mudaneyaal waxaa kaloo jira in shuruucda ay ku dhisan yihiin
hay’adeheena Difaaca ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo u xilsaaran ilaalinta sayaadada
iyo gobonimada dalka lagu ilaaliyo xuduudaha Dhulka, Hawada sare iyo Badda, Booliska
Soomaaliyeed oo u xilsaaran sugidda amniga gudaha iyo hantida dadweynaha,
Nababsugidda Soomaaliyeed oo u xilsaaran sirdoonka looga hortagayo cadowga qaranka
iyo Ciidanka Asluubta oo u xilsaaran dhaqancelinta waxaa la dejiyey ama wax-ka-beddelna
lagu sameeyey intii u dhaxeysay 1960 – 1972. Shuruucdaas oo ku saldhigan dastuuradii
1960 ama midkii 1979 kuwaasoo ayagana la socon karin wadciga iyo duruufaha maanta
dalka ka jira una baahan in la federaaleeyo lana waafajiyo dastuurka sida ku-meel-gaarka
ah loo ansixiyey ee 2012.

 

M.ne Madaxweyne waxaa xusid iyo is xasuusin mudan in Golaha Shacabka iyo
Xukuumadda Federaalka kadib markey dhageysteen soo jeedinta Guddiga Difaaca iyo
Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka waxay ku heshiiyeen
qodobbo badan oo saameeya dib-u-habeynta iyo casriyenta Ciidamada Qalabka Sida, sida
ku cad Qaraarka Golaha Shacabka Lr. GSH/B-10/0011/2017 ee 29kii Abriil 2017
waxaana qodobbadaas ka mid ah Dhisidda Golaha Amniga oo Madaxweynuhu
Guddoomiye ka yahay si cadna qaraarkaas loogu tilmaamay xubnihiisa iyo xilkiisa u
abbaaran amniga qaranka ayada oo ay xukuumaddu ballanqaaday in muddo saddex bilood
gudohood Hindise Sharciyeedka Dhismaha Golaha Amniga Qaranka ansixintiisa loo
horkeeno Golaha. Haddaba M.ne Madaxweyne waxaa ka soo wareegatay muddo 10
bilood ah ayadoo aan weli sharciyadiisa la horkeenin Golaha.

Waxaa intaa dheer in Warmurtiyeedka ka soo baxay Golaha Amniga Qaranka ee 5tii – 10kii
Luulyo 2017 Qodobkiisa 8aad aad ku ballanqaadeen iskuna raacdeen in aad degdeg ku
horkeeni doontaan sharcigani Golaha Shacabka.

Isla qaraarka kor ku xusan waxay Golaha Shacabka iyo Xukuumadda Federaalka
28kii Abriil 2017 ku heshiiyeen qodobbo badan oo saameya hay’adaha difaaca iyo amniga,
waxaana ka mid ahaa “In dib-u-eegista lagu sameeyo shuruucdii lagu dhisay C.Q.S oo
muddo dheer ka soo wareegatay waagii shuruucdaas la dejiyey, xukuumaddu waxay
ballanqaaday in ay u howlgasho dib-u-eegista dhammaan shuruucdii lagu dhisay qaybaha
kala duwan ee Ciidamada Qalabka Sida si loo casriyeeyo loona waafajiyo Dastuurka iyo
duruufaha dalka ka jira iyo mabaa’diida Federaalka lana horkeeno Golaha Shacabka si loo
ansixiyo loona dhaqangeliyo”.

Hadabba M.ne Madaxweyne maadaama aad tahay ilaaliyaha iyo hormariyaha mabaa’diida
aasaasiga ah ee dastuurka si waafaqsan Qodobka 87 (1) (c) ahna udub dhexaadka laamaha
dowladda, waxaan kaa codsanaynaa inaad nagu hoggaamiso naguna ilaaliso ku dhaqanka
dastuurka iyo fulinta ballanqaadyada dhexmara Hay’adaha Sharci-dejitan iyo Hay’adaha
Fulinta si loo gaaro danta qaranka.

7 DEJINTA SHURUUCDA, DHISIDDA HAY’ADAHA IYO DIMUQRAADIYEYNTA DALKA
Haddan milicsano howlgalada loo baahan yahay in dardargelintooda loo howlgalo waxaa
ka mid ah:

1. Dejinta Sharciga Doorashooyinka;
2. Dejinta Sharciga Jinsiyadda Jamhuuriyadda;
3. Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha;
4. Hirgelinta Axsaabta Siyaasiga; iyo
5. In tas-hiilaadka maaliyadeed, qalabeed iyo cududda tababaran ee fulineyso
doorashooyinka la diyaariyo.

 

8 MIDNIMADA IYO DIB-U-HESHIISINTA BULSHADA

Arrimaha dib-u-heshiisinta iyo hanti isucelinta waa aasaaska xasillinta xaaladaha dalka iyo
nabadeynta bulshada, kuwaas oo la’aantooda wax nabad iyo horumar ay Soomaaliya gaari
karto amaba u suurtogeli kara aysan jirin. Sidoo kale nabad la’aan ma jiri karto dhaqan
demuqaraadiyadeed oo dalka lagu hoggaamin karo. Saa daraadeed waa lagama maarmaan,
oo waa waajib muqaddas ah inaan si dhab ah ugu guntixirano hawlgalkeenana laba
jibaarno, sida aan u suurtogelin karno dib-u-heshiisiin dhab ah, dalka iyo dadkeenana
nabad waarto ugu soo hooyin karno.

Guddiga Runta, Xaqiiqoraadiska iyo Hanti-isucelinta oo ku xusan Qodobka 111 ee
Dastuurka weli lama dhisin. Guddiga Baarlamaanka arrimahan u xilsaaran waxaa saaran

xilweyn oo guddigan ka dhigaya udub dhaxaadka horumarinta nabadaynta iyo dib-
heshiisiinta bulshada ilaa iyo inta laga dhisayo uu kana hawlgalayo Guddiga Madaxbannaan ee kor ku sheegan. Haseyeeshe, Guddigan ilaa iyo hadda looma hurin agabka iyo maaliyadda loo baahan yahay laguna maareeyo mashkaladdan qarameed oo baaxad weyn.

9 GUNAANAD

Ugu dambayntii Mudane Madaxweyne, waxaan adiga iyo xukuumaddaba kuu xaqiijinaya,
shacbiga Soomaaliyeedna u ballanqaadeyna, in xildhibaanada Golaha Shacabka
xilgudashadooda ku salaysnaan doonto hufnaan, hawlqabadkooduna ku dhafnaan doono
karti, waddaninimo iyo ilaalinta xasilloonida siyaasadeedda uu shacbigeena iyo
dawladnimadeenaba u dan ah ayadoo la ilaalinayo mabda’a kala soocidda awoodaha
Sharci-dejinta, Fulinta iyo Garsoorka oo leh hannaan ku dhisan isla xisaabtan kana
jawaabaya danaha dadweynaha Soomaaliyeed si waafaqsan Qodobka 3-aad ee Dastuurka.

Waxaan mar kale mahad iyo qaddarin gaar ah u jeedinaya martida sharafta leh oo
casuumadeena soo ajiibtay, waxaana si gaar ah ugu mahadcelinayaa Dowaladda aan
walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Turkiya oo Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya ugu deeqday dhismayaal casri ah oo dhawaan hirgelintooda ka bilaabaneyso
magaaladda Muqdisho, waxaa xusid iyo mahadcelinba mudan Danjiraha Dowladda
Turkiya u fadhiga Soomaaliya M.ne Olgan Bekar oo si gaar ah isugu xilsaaray ka
miradhalinta mashruucan taariikhiga ah oo bilicda muqdisho ka dhex muuqan doona.
Waxaa kalfadhigan na sugayo hawlo aad u fara badan oo muhiim ah, kuwan kor ku
sheegan waa in yar oo kooban keliya. Saa daraadeed waxaan Allahu Swt ka baryeyna in uu
nagu garabgalo naguna guuleysiyo.

Mudane Madaxweyne, adigoo ku mahadsan, kusoo dhowow gudashada waajibkaaga
Dastuuriga ah, oo aad noo furto Kalfadhiga 3-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here