Hanaanka Qaranka ee dib u heshiisiinta oo laga hadlay “SAWIRRO”

0
1349

Helista siyaasasad loo dhan yahay oo lagu wajaho dib bu heshiisinta wadanka ayaa looga hadlay kulanka wadatashiga ah oo socday muddo labo maalmood.

Ka qeyb galayaasha oo isugu jiray qubaro, xubna ka socotay dowlad goboleedyada iyo beesha caalamka oo ayaa ka dooday Hannaanka ugu macquulsan ee lagu wajaho karo dib u heshiisinta dalka

Wasiirka Arimaha Gudaha, Federaalka iyo dib-u-heshisiinta Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye oo shirka soo xeray ayaa sheegay in Wasaaraddu ay ka go’an tahay sameynta Siyaasadda Qaranka ee dib u heshiisinta, iyada oo u marayso wadiiqo loo dhan yahay.

Ka qeyb galayaashii shirka ayaa bogaadiyay dadaalada Wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee helista Siyaaasada Qaranka ee dib-u-heshiisinta.

Sameynta Hannaanka Qaran ee dib u heshiisinta ayaa muhiim u ah xasiloonida dalka iyo daadajinta awooda dowladda, wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya ayaana wada wadatashi yadii u dambeeyay oo ay ku sameynayso.

Cabdishakuur Cali Axmed


Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here