Hawlgallo ammaanka lagu xaqiijinayo oo ka socda magaalada Kismaayo

3097

Ciidamada Nabadsugidda maamul Goboleedka Jubbaland, ayaa Maanta Howlagallo lagu xaqiijinayo Ammaanka ka sameeyay Xaafado ka mid ah Magaalada Kismaayo.

Xaafadda Guulwade iyo Laamaha ku xeeran, ayaa la sheegayaa in ay Ciidamadu kasoo qabqabteen Boqolaal Qof oo u badan Dhallinyaro looga shakiyay falal Ammaan darro.

Saraakiisha horkacaysa baaritaannadan, ayaa  Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed  u sheegtay inay Dadka ay gacanta ku hayaan kala saari doonaan, isla markaana ay fasixi doonaan ciddii wax dembi ah lagu waayo.

Maamulka Gobolka Jubbada hoose, ayaa sidoo kale sheegay inay hawlgalladani qayb ka yihiin, tallaabooyinka ay ku xaqiijinayaan nabad gelyada, maaddaama laysu diyaarinayo doorashooyinka dadban ee Dalka.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here