Hay’adda Caafimaadka Adduunka oo Farriin Adag u Dirtay Dalalka Caalamka.

Iyadoo la joogo waqti ay sii xumaatay ama cirka isku shareertay xaaladda faafitaanka Caabuqa karoona uu ku fidayo adduunyada inteeda kale ayaa hay’adda caafimaadka adduuka ee WHO waxa ay farriin caalami u dirtay dhammaan dowladaha adduunka, waxayna u sheegtay in caalamka looga baahan yahay inay ka qayb qaataan gurmadka bulshada Shiinaha, isla markaana ay laba jibbaaraan feejignaantooda ka dhanka ah cudurka karoona.

Hay’adda WHO waxay xustay in dadka shiinuhu ay u baahan yihiin gacan caalami ah maadaama aysan jirin awood ay xiligan kaga hor tagaan cudurka karoona feyruska oo dhibaato weyn u gaystay dalka Shiinaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here