Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo ka hadashay weerarkii Jaamacadda Gaarisa”SAWIRRO+ BAYAAN”

0
2075

Bayaanka Hay’adda Culumada Soomaaliyeed ee weerarkii jaamacadda Gaarisa

بسم الله الرحمن الرحيم

الحمد لله، والصلاة والسلام على رسول الله، وعلى آله وأصحابه ومن والاه.

Hay’adda Culumada Soomaaliyeed ayadoo gudanaysa waajibka caddaynta xaqa iyo difaaca diinta iyo danaha ummadda, waxay ka soo saartay weerarkii foosha xumaa ee jaamacadda Gaarisa bayaanka hoos ku xusan:

1-Hay’addu waxay u tacsiyaynaysaa xukuumadda , shacabka Kenya iyo dhammaan dadkii dhibku ka soo gaaray weerarkaas waxash nimo, waxayna u rajaynaysaa dhaawaca dhammaantood caafimaad deg deg ah.

2- Hay’addu waxay caddaynaysaa in ficilkaasi kasoo horjeedo diinta islaamka, akhlaaqda muslimiinta iyo dhaqanka soo jireenka ah ee soomaalida.

3- Ujeedada ficilkaas guracan waa culaad laga dhax aloosayo dadka wada degan , marka waa in laga digtoonaadaa in dabinkaas lagu dhaco , waana in la xoojiyaa wada noolaashaha iyo nabadda.

4- ficiladaasi abtiris diimeed ama dadeed midna ma laha , cidna uma turayaan , marka waa in layska ilaaliyo ficiltanka iyo siyaasadaha u sahlaya in ay gabaad helaan.

5- Hay’addu waxay u soo jeedinaysaa hogaanka siyaasadeed ee dalka Kenya in dhacdooyinkaas aysan saamayn ku yeelan qaxootiga soomaaliyeed ee Kenya ku sugan.

6- waxaan ugu baaqaynaa madaxda siyaasadda, diinta iyo bulshda ee labada dal in la iska kaashado sidii loo xoojin laha nabdda loona ilaalin lahaa danaha guud .

Wabilaahi Towfiiq

Hay’adda Culumada Soomaaliyeed

Golaha Fulinta

Muqdisho- Soomaaliyabayaanka arinta kenya

 

 

 

??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ???????????????????????????????   ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ???????????????????????????????

Sawir Qaade: Maxamed C/kaahi Fereysane

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here