Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay dhagar qabayaal ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamaa Nabad sugidda ee NISA ayaa howlgal ka dhacay xaafadda Oodweyne ee Degmada Dayniile ku soo qabtay Dhagar-qabayaal ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab iyo hub kala duwan oo ay gacanta ku haayeen.

Dhagar-qabayaashaan la soo qabtay ayaa Argagixisada Al-Shabaab u qabilsanaa dilalka iyo weerada qorshaysan ee laga fuliyo Caasimadda.

Madaxda Ha’yadda NISA ayaa goor kasta diyaar u ah inay ka hor-tagaan, dhibaato kasta oo loo soo maleego shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Caasimadda.

Waxaan mar walba u mahad celineynaa shacabkii nagu garab siiyey helidda xogaha xaasaasiga ah ee lagu badbaadinayey Shacabka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here