Hay’adda Relieve oo Xarun lagu Tababari Doono Wariyaasha Muqdisho ka furtay

0
1246

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska  ayaa maanta ka qayb galay Munasabad lagu soo bandhigayay xarun cusub oo lagu Tababari doono Suxufiyiinta Soomaaliyeed taas oo ay soo bandhigtay hay’adda Relieve International.

Madaxa  hay’adda Relieve International Xasan Ciise oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in wax badan ku soo kordhin doonto Xirfadda Wariyaasha Soomaaliyeed.

wax yaabaha ugu muhiimsan ee an  barayno saxafiyiinta waxaa kamid ah  in la tayeeyo xirfadda wariyaha , kaamirooyinka casriga ah iyo sida   Editingka  loogu sameeyo,xagga diyaarinta, waa laga caawinayaa insha’allah , waxaan berri wixii ka billowda nobillaaban doona  diwaan galinta  wariyashaashii aan taba bari lahayn , waxayna ka imaan donana gobolladda ,wasaaradaha Nusej hawenka  iyo qof kasta oo doonayo in xirfaddiisa wariye nimo in uu kor uqaado” ayuu yiri Madax Hay’adda Relieve.

Abwaan Cismaan Cabdullaahi  Guure  Agaasimah Radio Kulmiye  isla markaana  ku hadlayey magaca Agaasimayaasha ka socday warbaahinta gaarka loo leeyahay ee  ka qayb   galay Munasabadda  ayaa  soo dhaweyey Xaruuntaan Cusub ee  hay’adda ay soo bandhigtay ee lagu Tababrayo  bahda warbaahinta  Soomaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukumadda FederaAlka SoomAaliya Mudne Maxamed Cabdi Xayir Maareeye  oo ugu dabayntii ka hdlay munasadda ayaa  tilmaamay in xaruuntan furitaankeeda uu ku soo aaday waqti  Muhiim ah oo dalka u jihaystay   Nabad iyo horumar iyo Dowladnimo nimadda loona baahan yahay in  warbaahintunaa ay  doorkeedda qaadato .

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here