Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo deeq lacageed ku wareejisay Guddiga gurmadka+Sawirro

1990

Deeqdan lacageed oo gaareysa $10,000 (Toban Kun Dollar) islamarkaana ay iskasoo ururriyeen shaqaalaha iyo Maamulka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayay maanta mas’uuliyiinta hay’adda ku wareejiyeen Guddiga qaran ee gudrmadka deg dega ah, si lacgatan  wax loogu qabta dadkii waxyeeladu kasoo gaartay weerakii 14-kii October iyo ehelada dadkii weerarkaasi ku dhintay.

Cabdulaahi Xaaji Bashiir Shiine oo ah ku xigeenka Agaasimaha guud ee Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya ahana ku simaha Agaasimaha oo guddiga ku wareejiyay deeqda lacageed ayaa sheegay in hay’addu diyaar u tahay ka qeyb qaadashada gurmadka umadda Soomaaliyeed marwaliba oo ay dhibaato dhacdo

lacagtan aan maanta guddiga ku wareejinay waa wax laga jaray mishaarka shaqaalaha hay’adda waxaana diyaar u nahay inaan guddiga gurmadka gacan siino hadii ay culeysyo kale yimaadaan, sababtoo ah hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadda waxay u adeegtaa bulshada Soomaaliyeed waana waajib inana gurmadka umadda ka qeyb qaadano” sidaas ayuu yiri Agaaisme Cabdullaahi Shiine.

Gudoomiyaha  Guddiga qaran ee gurmadka deg dega ah Cabdullaahi  Maxamed Shirwac oo deeqda lacageed gudoomay ayaa balan qaaday inay si wanaagsana u maareyn doonaan lacagtan oo loogu talagalay dadkii ay saameynta ku yeelatay musiibadii 14-kii October.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ka tirsan Guddiga qaran ee gurmadka deg dega ah ayaa ku bogaadiyay shaqaalaha iyo maamulka Hay’adda sida ay u garteen u gurmashada dadkii ay waxyeeladu ka soo gaartay musiibadii 14-kii October ,isgoona ugu baaqay hay’adaha kale ee dowladda inay ku deysadaan hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa qeyb weyn ka qaadatay gurmadkii loo sameynayay dadkii ku waxyeeloobay musiibadii 14-kii October iyadoo si gaar ah uga caawineysay dhaawacyada dibadda loo qaaday inay helaan Dukumintiyada dhinaca socdaalka ee ay u baahnaayeen.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here