Hay”adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo xafiis cusub ka furatay Buula-burde

1189

Hay’adda Socdaalka iyo jisniyadda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay xafiis lagu qabto howlaha Hay’adda waxa ay ka furatay Magaalada Buula-burde  ee gobolka Hiiraan.

Munaasabadda xariga looga jarayay xafiiska ayaa waxaa ka soo qeybgalay maamulka dagmada iyo qaar kamid ah dadka deegaanka iyo sidoo kale sarakiil ka socotay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Dadka ka qeyb galay ayaa  dhamaantood waxa ay sheegeen in  baahi weyn loo qabay howlaha ay qaranka u heyso Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda isla markaana ay uga mahadcelinayan masuuliyiintii ka soo shaqeysay in xafiiskan la furo.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here