Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo Xafiisyo ka furatay Goldogob iyo Qardho 

1399
 Mudug iyo Bari ayaa Maanta laga furay Labo Xafiis oo laga bixinaayo Baasaboorrada iyo Kaararka Aqoonsiga.
Maamullada Labada Degmo iyo madaxda Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha u qaabilsan Laanta Puntland ayaa si wada jir ah u furay Labadaan Xafiis oo loogu talagalay in loogu adeego Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Qardho iyo Goldogob.
Waa markii ugu horeysay tan iyo markii ay Soomaaliya xornimada qaadtay Sanaddii1960-kii oo Xafiis laga bixiyo Baasaboorka iyo kaarka aqoonsiga laga hirgeliyo Magaaloyinka Qardho iyo Goldogob.
Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa in dhawaalaba wadday dedaallo adeegyada socdaalka lagu gaarsiinaya Gobollada Dalka , iyadoo Xafiisyo noocaan oo kale ah ka hirgelisay qaar ka mid ah Magaalooyinka Dalka, si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan adeegyada xagga socdaalka ah.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here