Hay’adda Somali Relief Network of North America oo hilib u qeybisay qoysas tabaaleysan “SAWIRRO”

991

Hay’adda Somali Relief Network of North America ayaa deeq hilib ah oo ku saabsan munaasabadda ciidul Adxa awgeed u qeybisay 5,000 (Shan kun) oo qoys oo ku nool Degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Hay’adda ayaa munaasabadda awgeed u qashay 70 neef Lo’ iyo 200 neef Ari ah, kaasi oo ay ka faa’iideysteen 5,000 (Shan kun) Qoys oo ku nool degmada Afgooye iyo deegaannada kale ee ku teedsan degmada, gaar ahaan xeryaha barakacayaasha ah.

Deeqda hilibka ah waxaa ka faa’iideystay qoysas badan, kuwaasi oo isugu jira Waayeelo, carruur, aqoon iyo barakacayaal ku nool inta u dhexeysay Muqdisho iyo Afgooye.

Wakiilka hay’adda Ibraahin Cismaan Cabdalla ayaa sheegay in deeqdan ay tahay mid ka timid Madaxa Hay’adda Somali Relief network of North America Aadam Maxamed Ciise oo shacabka degmada Afgooye ugu talalgaly in la gaarsiiyo deeqdan hilibka, waxaana uu intaa ku daray inay ka go’antahay sidii ay wax ugu qaban lahaayeen bulshada kuwooda tabaaleysan.

Qaar ka mid ah dadkii loo qeybiyay hilibka ayaa waxa ka mahadceliyeen deeqda hilibka ah ee la guddoonsiiyay, iyagoo xusay inay ku soo beegantahay xilli loo baahnaa.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here