Heshiis nabadeed oo laga gaarey colaadda ka taagan Suudaanta K/fureed

1713

Dowlada Dalka Suudaanta Koonfureed ayaa lagu soo wramayaa in  heshiis ku aadan nabadda iyo xabad joojin  la gashey koox maleeshiyaad ah oo ka dagaalama dalkaasi, taasi oo qeyb ka ah dadaalo la doonayo in lagu soo afjaro collaada afarta sano ka tagneyd Wadankaasi.

Dowladaha ku bohoobay Urur Goboleedka IGAD ayaa gar wadeen ka ah heshiis kaasi oo lagu gaaray magaalada  Adis Ababa ee caasimadda Dalka Itoobiya.

Heshiiskan ayaa waxaa kale oo uu dhigayaa in hey’daha gargaarka loo ogolaado inay gargaar garsiyaan dadka ay waxyeeladu kasoo gaartay collaada k ataagnayd wadanka Suudaanta Koonfureed oo sanadkii 2011kii loo aqoonsaday in ay yihiin qaran madax banana kadib markii ay ka go’een Suudaan inteedi kale.

Dhowr heshiis oo horay loo saxiixay ayaa burburay, waxaana dagaalka sokeeya ee dalkaasi lagu dilay tobonaan kun oo qof, halka malaayiin na ay ku barakaceen dagaalka sokeeya ee ka qarxay Suudaanta Koonfureed oo lix sano kahor xurriyadda qaadatay.

Dagaalo in muddo ah ka socda Dalka Suudaanka Koonfureed ayaa waxaa ka dhashey khasaare dhimasho iyo dhaawac,burbur,hanta iyo qax,iyadoo kumanaan ruux ay ka carareen guryahooda.

Waxaana heshiiskani uu u muuqdaa mid waxbadan ka taridoona xaaladaha amaan iyo degnaanshaha Dalkaasi Suudaanta Koonfureed.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here