Hey’adda Bisha Cas ee Iiran oo deeq gaarsiisay dad tabaaleysan-Sawirro

1
1508

Deeqdan  raashiinka ah ayaa ka timid hey’ada Bisha Cas ee dalka Iiran ayaa waxaana  la gaarsiiyay in ka badan Toban xarumoood oo ay ku jiraan carruur Agoon ah,dad lixaadka la’ iyo kuwa  danyar oo ku kala sugnaa degmoyinka gobalka Banadir.

Deeqdaan ayaa ka koobneed Bariis iyo Kalluun waxaana goobaha la gaarsiiyay deeqdaan ka mid ahaa xarumo ku kala yaala degmooyinka; Boondhere,Howlwadaag,C/Casiis ,Wadajir,Xamarweyne, Xamar jajab,iyo Hodan oo dhoor xarun oo agooni ku jirto la geeyay,dhamaan deeqdaan waxaa wareejiyay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin , safiirka  dowlada Iiran u jooga Soomaaliya mudane Javed Dehgaani, Dr. Qaasimi iyo Dr. Bashiir, oo ka Socday hay’ada Bisha Cas ee Iiran.

Safiirka  dowlada Iiran u jooga Soomaaliya mudane Javed Dehgaani oo ka warbixinaya deeq ay gaarsiiyeen Isbitaalka lansareeti qeybtiisa Dhimirka oo aay jiifaan dad qaba xanuunada Dhimirka,isagoona sheegay in wax badan ay la qaban doonaan maamulka Isbitaalka.  

“Hay’ada Bisha Cas Iiran sanad kasta ayeey deeqdaan bixisaa iyadoo gaarsiisa Agoonta iyo dadka danta yare waana sii wadi doonaa quudintaan intaan karno waa bil barakeysan oo ay sax tahay in la is taakuleeyo”, ayuu yiri safiirka.

Qaar kamid ah  dadkii ka gudoomay deeqada ayaa u mahadceliyay hay’ada Bisha Cas ee dalka Iiran, iyagoona sheegay in ay ku soo aaday xilli ay u baahi weyn u qabeen  in la caawiyo.

“Isbitaalka laansareeti waxaa ku jra bukaano badan oo qaba xanuunada dhimirka hadaan Shaqaalaha iyo maamulka Isbitaalka waa ku faraxnay deeqdaan ah Bariiska iyo Kallunka oo la soo gaarsiiyay”, ayay tiri gabadh ka tirsan maamulka Isbitaalka.

“Aad iyo aad ayaa ugu baahneen xilligaan deeqdaan waxaa halkaan ku jira carruur  Agoon ah Iyo kuwa danyar ah oo u baahan saacidaadan ay nasoo gaarsiiyeen hay’ada Bisha Cas Iiraan”.

Waa sanadkii Sadaaxad ee hay’ada Bisha Cas Iiran ay deeq ceenkaan oo kala ah gaarsiiso dadka taagta daran ee ku sugan magalada Muqdisho qaarkod.

vlcsnap-2015-07-03-16h27m28s135 vlcsnap-2015-07-03-16h27m37s221 vlcsnap-2015-07-03-16h27m42s20 vlcsnap-2015-07-03-16h27m48s74 vlcsnap-2015-07-03-16h27m53s127 vlcsnap-2015-07-03-16h28m09s30 vlcsnap-2015-07-03-16h29m07s95 vlcsnap-2015-07-03-16h29m27s41 vlcsnap-2015-07-03-16h29m39s165 vlcsnap-2015-07-03-16h29m48s253 vlcsnap-2015-07-03-16h30m05s168 vlcsnap-2015-07-03-16h30m12s239 vlcsnap-2015-07-03-16h30m27s131 vlcsnap-2015-07-03-16h30m55s149 vlcsnap-2015-07-03-16h31m14s84 vlcsnap-2015-07-03-16h31m32s13 vlcsnap-2015-07-03-16h31m43s119

Sawir Qaade: Cabaas Xaaji

 

 

 

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. wadankeenu waxoow soomaray dhibaatooyin badan oo ay sababtay colaadi wadanka ka dhacday waxaana ka mid ah saboolnimada oo shacabkeena in badanoo ka mid ah ka dhigtay ineey ku tiirsanaadaan musaacadaad taasoo ay kaalmeeyaan ahlukhayrka wadankeena iyo hay,ado dibada ka yimaado.

    waxaa waajib ah in qofkastoo soomaali ah hadoow dareemo meel wadankiisa iyo shacabkiisa ay khatari uga imaaneeyso inoow dowladiisa iyo shacabkiisa intoow gaarsiin karo gaarsiiyo.

    waxaan halkaan maanta ku cadeeynayaa in dowlada iiraan ay tahay dowlad khatarweyn u keeni karto wadankeena iyo shacabkeena waayo?
    waxaa sodon sano ka hor dagaal dhaxmaray dowlada iiraan iyo dowlada ciraaq sidaan wada ognahay waxaa dhacday in dowladaha carabta oo dhami ay garab istaageen dowladi ciraaq,soomaaliyo waxeey hormuud u aheed dowladihii ciraaq garab istaagay si xoog leh,dagaal qaatay waqti dheer kadib iiraan oo markii hore diiday in maslaxo lagu dhameeyo dagaalka waxaa qasab ku noqotay ineey ogolaato dhaxdhaxaadin waayoo waxeey ogaatay ineeysan waajihikarin wadamadaan carabta oo isku xiran dagaalkina sidaas ayoow ku dhamaaday.

    IIRAAN MA ILOOBIN WIXII CARABU U GEEYSATAY LAAKIIN CARABTU WAA ILOOBEEN.
    iiraan waxeey dib u liqday caradeedi waxeeyna go,aan ku gaartay ineey ka aarsato carabti ciraaq la safatay iyo ciraaqdi la diriraysay laakiin si aan la fahmikarin.
    iiraan waxeey go,aansatay ineey cilaqaad la yeelato dowladihi l carabta waxeey go,aansatay ineey wadamada carabta ku fidiso madhabkeeda shiiciga ah laakiin si qarsoon iyadoo adeegsaneeyso dariiqooyin badan si ay u hesho wadankastoo carabta ka mid ah dad madhabkeeda haysto oo iyada raacsan,wadamada carabtu waxeey ukala baxaan wadamo qani ah sida khaliijka qaarna waa kuwo dhaxdhaxaad ah iyo sabool, marka kooxkasto waxeey ula dhaqantay dariiqo u qaas ah tusaale dowladaha khaliijka waxeey ka furteen tijaaro waxeey wadamada khaliijka ku soo shubeen iiraan aad u fara badan waxeey tujaarti celaqaadyo la yeesheen madaxdi wadanka waxeey qaateen baasabooro khaliiji ah taasina waxeey u fududeeysay ineey helaan fursado dheeraad ah waxeey ilmahoodi geliyeen jaamacadaha ugu sareeyo waxeey ilmahooda ku tarbiyeeyeen in ay si fiican waxubartaan si ay beri u gaaraan meelaha ugu sareeyso xukunka, tacliinta majoojiyaan illaa ay ka gaaraan meesha ugu sareeyso ilmaha khaliijiyiinta ahna intooda badani jaamacada ugu sareeyso ayeey ki istaagaan waxyaabaha ay bartaan waxaa ugu muhiimsan qaanuunka, dibulumaasinimada, warisgaarsiinta iyo caafimaadka. waxeey gacanta ku dhigeen qaanuunki , warisgaarsiinti waxeey noqdeen safiirada wadamada khaliijku dibada u dirsadaan waayo iyagaa bartay meeshii dibulumaasinimo ugu dambeysay waxaana la sheegay in safiirada asalkoodu yahay iiraan ee khaliijku dirsaday ey howsha ay iiraan u qabtaan ka badantahay tan ay khaliijka dibada uga qabtaan. iyo ineey tija labalaabaan si ay dhaqaalaha wadanka gacanta ugu qabtaan taasina way ku guuleeysteen oo maanta wadamada khaliija tijaaradooda waxaa gacanta ku haysto dadka shiicada ka soo jeedo markii laga reebo inyaroo suniga asliga ah.
    ishiicada khaliijku waxeey gaareen meelaha ugu sareeyo dowlada marka laga reebo madaxweynaha sida baarlabaanka iyo wasiirada isku soo duuboo maanta wadamada khaliijku waxeey gaareen in iiraan ku handado ineey xukuumadaha khaliijka majo xaabin doonto khaliijkana u badali doonto dowlatu iiraan kubraa, taasina kuma imaan fadhi ee iiraan waxeey soo gashay halgan dheer oo qaatay sodon sano.
    DOWLADAHA CARABTA EE KALE.
    dowladaha an waxeey cilaaqaadkii ay la sameeysatay u adeegsatay ineey ka soo gashay kaalmeeyn sida dowladaha shaam iyo yamen waxeey dhaxdooda ku fidisay madhabkeeda si xoog leh waxaa la sheegay ineey dowlada suuriyo ay fuquraadooda u fidisay musaacadaad dhowrsano kadibna bilaawday si ay ay u gadato guryaha fuquraada xaafado dhan iyadoo siineeneeyso lacag laba jibaar ah si ay u hesho degmooyin dhan oo shiicadu degto waana ku guuleeysatay iyadoo waliba madaxweynihii suuriyo ow noqday shiici qarsan oon la ogeyn maantana suuriyo halkaan aragnay ayeey mareeysaa.
    lubnaan waxeey ku fidisay shiicadi iyadoo waliba inbadan oo iiraan asalkoodu yahay ay qaateen baasabooro lubnaan taasina gaarsiisay in gobolo dhan oo lubnaan ka mid ah ay ka taliyaan shiicadu oo ow hogaamiyo ninka la yiraahdo xasan nasrullaah oo haysto ciidan dhan oo waliba ka xoogbadan kan dowlada lubnaanoo aan dowlada ka amarqaadan waxoowna nasrullaah ku qudbeeyaa inoow yahay masuulka iiraan u fadhiyo lubnaan oo ka amarqaato iiraan .
    yamen maanta ma rabto fasiraad waxaana aragnaa sida loogu dhax abuuray nimanka la yiraahdo xuusiyiinta oo maanta taagan ineey yiraahdaan waxaan qabsaneeynaa xarameeynka iyo kacbadii illaaheey inta yamen soo dhaafeen waayoo iiraan waxeey sheegtay ineey xuusi u dhiseen sideey sucuudiga u qabsan lahaayeen.

    IRAAQ.
    ciraaq oo ah dowladii ay iiraan soddon sano ka hor la dirirtay maanta waxaa ka taliyo dowlad iiraan dhistay oo inta u sareeyso ay yihiin shiico kadib markii la dilay madaxweynihii iiraan la diririjiray oo ku dhintay gacan dowlo shiico ah oo iiraan garab ka hesato sunana maanta waxeey ciraaq ku yihiin dad daciifku ah oo dhiigooda iyo maalkooduba xalaal u yihiin shiicada ciraaq.
    waxaa jirto in shucuubta khaliijka iyo dowladahoodu ay fahmeen sanado dhaw in shiicadu ku hayso khatar wadamadooda waxaana siisiyaadaayo towciyo ay culumada khaliijku wadaan si looga badbaado sharta iiraantu u maleegeyso qaasatan marki dagaalku ka dhaxqarxay khaliijka iyo xuusiyiinta iiraana waxeey bilaawday dagaal aan qarsoodi aheeyn oo waxeey muujisay in ay xuusiyiinta garab taagantahay naf iyo maalba, waxaa jirto in qaliijku isticmaalo cuntooyin laga keeno iiraan oo ay ugu horeeyso khudaarta iyo furutuska marka waxaa lagu arkay labo dowladood oo khaliijka ka mid ah cuntooyin lagu duray sun sida qaraha oo ay dowladahaasu joojiyeen ineey iiraan ka soo gataan.
    waxaan halkaan ku soo qoray waa tusaale dhowr dowladood oo carabta ka mid ah dowlad kastoo carabta ka mid ahna waxeey leedahay qiso iyada iyo iiraan ah laakiin halkaan kuma soo koobi karo,waxaanse tooshka ku ifiyay hagardaamada ay iiraan maleegeysay muddo sodon sano ah oo ah aarsi ay u qabto wadamadii ciraaq garab istaagay oo aan anagu ugu horeeyno.
    soomaalidu waxeey tiraahdaa waa baahantahay baqtiga looma cuno, kaalmada iiraana baqti waaba ka darantahay oo waa sun iyo baabi,inta beled dhan dowlad iyo shacab,hadaba waxaa nala gudboon dowlad iyo shacabba in aay talo ka qaadano oo waliba taladu waxeey u taalaa dowladeena si qarankeena awalba dhibaatadu haysatay labaatanka iyo dhowrka sano ee hada lugaha dhulka dhigay looga badbaadsho sharta iiraan.
    waxaan kaloo xasuusinayaa in dowlada suudaan ay eriday hay,adii khayriga aheed ee iiraan kadib markeey ogaatay ineey suudaan ka wadaan waxyaabo wadankooda khatar ku ah.

    hadaba maanta waxaan halkaan ku soo sheegay waa waajibki iga saarnaa in aan muujiyo khatarta iiraan wadankeena u keeni karto iyadoo noo adeegsaneeyso kaalmo ay siiso masaakiinteena waana meelihii ay hore dowlado badan ugu baabi,isay hadaba ma jiraan dhago furan oo wadankeena ka badbaadsho khatartaas.?
    waxaan qofkastoo soomaali ah u tilmaamayaa barnaamijka la yiraahdo qorshihii kontameeyaha oo ay iiraan dhigatay si ay unoqoto dowlad shiico ah oo xoog leh.
    illaahayoow intaan awoodo waa qabtay ee dowladeena iyo shacabkeena fahansii khatarta iiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here