Hey’adda Hormuud oo deeq gaarsiisay maxaabiista xabsiga dhexe-Sawirro

1585

Hay’ada samafalka Hormuud Foundation deeqdaan ay gaarsiisay xabsiga dhexe ee xamar maxaabiista ku jirta oo ay ugu talo gashay in bisha barakeysan ee ramadaanka lagu quudiyo maxaabiista xabsiga ayay ku simaha ra’iisul wasaaraha dalka iyo xubnaha kale ee dowladda ka socday goob joog u ahaayeen waxaana la wareeegay taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Janaraal Bashiir Maxamed Jaamac “Bashiir Goobe”.

kaalmadan ayaa waxaa ay isugu jirtay raashinka nuucyadiisa kala duwan iyo sidoo kale  xoolo nool loogu talo galay in lagu gowraco maxaabiista inta lagu jiro bisha Ramadaan,maamulaha Hormuud Foundation Mudane Muuse Axmed Nuur  ayaa waxaa uu faah faahiyay  inta ay ka kooban tahay deeqdaasi.

Hadaan waxyar idiin sheego alaabta meesha taala waa sadax boqol oo loor oo bariis ah  sadax boqol loor oo sonkor ah,boqol loor oo bur ah ,afar kun afar boqol kilo oo timir ah ,kun liitar oo saliida wax lagu karsado ah,boqol gasac oo sharaab ah ,boqol iyo konton kilo oo caleen ah , kun iyo labo boqol oo joog oo isugu jira macawiso iyo funaanado iyo ilaa labaatan dumar ah dharkood”ayuu yiri Muuse.

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed sareeyo gaas  Bashiir Maxamed Jaamac {Bashiir Goobe} ayaa waxaa uu uga mahad celiyay Hormuud Foundation garab istaageeda maxaabiista iyo dadka danyarta ah  waxaana uu balan qaaday in dadka loogu talo galay la gaarsiin doono.

Waxaan mahad u celineynaa Hay’ada kheyriga ah ee Hormuud Foundation waana ka aqbalnay   muxuu ahaa hadiyadii ay walaalaheeena ka mid ah dadka ugu tabarta daran  maxaa yeeelay dad xuriyadii laga qaaday  Qof ka tabar darani ma jiro meeshana hadana xabsiga dhexe waxaa ka socda muxuu ahaayee howlo badan sida aad la socoto”ayuu yiri taliyuhu.

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Dr.Axmed Cali Daahir ayaa waxaa uu ku bogaaadiyay Hay’ada Hormuud Foundation iyo cid kasta oo dooneysa in ay caawiso danyarta in ay sii wadaan oo ilaahay dartiis ay u bixiyaan sadaqada.

Waxaad fulineysaan waxaa waaye watacaawanuu calal biri wa taqwaa walaa tacaawanuu calal ithmi  wal cudwaan, Kheyrka iyo wanaagga in la isugu kaalmeeyo xadiiskii rasuulka wuxuu ahaa manlaa yaxyam laa yurxam irxamuu man fil ardi yarxamukum man fisamaa  inamaa yarxamuhu laahu min cibaadihi ruxamaa  yacnii naska ku soo arooray Kheyrka nuucaasi oo kale ah runtii aadbuu u badan yahay ajarkiina ilaahay idinkama dayacayo”. Waxaa sidaa yiri Dr. Axmed.

Ku simaha ra’iisul wasaaraha dalka ahna wasiirka cadaalada xukuumada Soomaaliya mudane Cabdulaahi Axmed Jaamac {Ilka Jiir} oo gaba gabadii ka hadlay ayaa waxaa mahad celin ka dib ugu baaqay Hormuud Foundation iyo hay’adaha kaleba in ay caawiyaan dadka danyarta ah.

“Hormuud Foundation waa run sida uu sheegay xeer ilaaliyuhu ma ahan markii ugu horeysay waxaa weeye mar kasta oo kheyrka loo ordayo hormuud bey ka yihiin shirkadaha kale oo wali soo rafanaya waxaan leeeyahay adinkuna soo gaara wixii tabartiina cidna la qasbi maayee wixii tabartiina ah adinkuna wax ku bixiya”. Wasiirka ayaa sidaa yiri.

1 2 3 4

W/D: Axmed Cali Kaahiye

 

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here