Hey’adda Nabad sugidda oo soo bandhigtay ajaanib dalka ku faafineysay Mad habta Shiicada+War-saxaafadeed

2249

War-saxaafdeed ay soo saartay hey’adda NISA oo nuqul ka mid ah uu helay Radio Muqdisho ayaa lagu sheegay in howlgal lagu fuliyay Muqdisho lagu qabtay laba nin oo u dhashay dalka Iran kuwaasoo sida la sheegay faafinayay madhabta Shiicada.

Akhriso War-saxaafadeedka.

Howlgal ay sameeyeen ciidanka NISA ee gobalka Banaadir waxay kusoo qabteen dad sameynayay Barnmaamij Shiiceyn ah oo isugu jira Iran iyo Soomaali.

NISA waxay ku daba jirtay barnaamijkaan muddo dheer kadibna waxay ciidamada amniga ku guuleysteen inay soo qabtaan dadkii ku lug lahaa barnaamijkaasi oo laga fuliyay magaalada Muqdisho.

Waxaa xusid mudan in barnaamijkaan khatar ku yahay deganaanshaha nabadda iyo caqiidada umadda, iyo dalka.

Hay’adda Al-khumeyni waxay fulineysaa barnaamijkan iyada oo ku gambaneysa isu guurinta wiilal iyo gabdho, kuwaasi oo ay muddo gacanta ku hayeen, barnaamijka shiiceynta waxay ulajeedadiisu tahay fidneynta umadda Soomaaliyeed ee sunniyiinta ah.

Faah Faahin:-

-Magaca Mashruuca: Sida ay sheegteen waa xafladda dhalashada nabiga (SCW) bixinta hadiyad iyo dadka is guursanayo iyo caawinta ciyaaraha.

– Waxaa fulisay mashruucaan hay’adda gargaarka ee Al-imaamu Al-Khumeyni ee safaaradda Iran raacsan.

Mas’uuliyiinta Iran

Muxsin Xuseen
Ruuxu Allaah Qulaam Muxsin
Kuwaas oo sheegtay inay kasocdaan safaaradda Iran ee Muqdisho, baaris kadibna cadaatay markaan la xiriirnay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya in ayna Diblumaasiyiin ahayn.

Midda kale hay’adda Al-khumayni waxay ka fakar ka dhigtay munaasabadda bisha Moawliid iyo guur wadareedka ay isu guurisay wiilal iyo gabdho.

Gabgabo

Barnaamijka Shiiceynta oo ciidamada sirdoonka ay muddo dheer ku daba jireen waxaan ogaannay in dad Soomaaliyeed la shiiceeyay kuwaas oo laga bedalay madhabkii Sunniga ee shaaficiga ah oo loo bedalay shiico, kaas oo khatar ku ah jiritaanka caqiidada suuban iyo sugnaanshaha amniga.

Waxaa kale oo ka mid ah barnaamijtooda dad dhallinyaro ah in ay u qaadaan Iran, waxayna isugu jiraan dhallinyaro iyo NGO, kuwaas oo lagu soo shubayo afkaarta shiicada looguna golleeyahay marka ay dalka kusoo noqdaan in ay faafiyaan shiicada.

Sidoo kale waxay bixiyaan deeq waxbarasho oo ah heer jaamacad iyo heer Master kuwaas oo ay ka qaadaan jaamadaha sida gaarka ah loo leeyahay.

Waxaa jira dad mas’uuliyiin ah oo ka tirsan dowladda oo xiriir wada shaqeyn ah lala.

Nimankaan fulinaya barnaamijkaan shiiceynaya ilaalada gaarka ah ee tawrada Iran.

Sidoo kale waxaa jira howlgallo ay ka sameeyaan gobalada dhexe iyo magaalada Qardho ee Puntland.

Safiirka safaaradda Iran ee Muqdisho wuxuu si dhuumasho ah ku tagaa degmooyinka magaalada Muqdisho.

Waxaa ku saxiisan qoraalkaan taliyaha NISA ee gobalka Banaadir

Korneel C/xakiin Axmed Farey.

baasaboorka-iiraaniyiin

 

 

Did you like this? Share it:

2 COMMENTS

  1. ummadda soomaaliyeed waxaa haysto dhowr cadaw oo aan kala qatar yareyn,cadaawahaas oo ka faa,iideystay dowlad la,aantii wadankeena ka dhacday intii colaadu jirtay,ha ahaado nabad diidka kuwa badaheena qashinka ku shubo, hadana khayraadka badeena boobo, shiicofidinta iyo kuwo kaleba.
    hay,adda nabad sugidu waxey sameysay dadaal aad u wanaagsan kuna cadeysay khatarta iiraan ay ka wado wadankeena iyadoo kusoo gambaneyso kaalmeyn laakiin iiraan aysan aheyn mid u timid kaalmo laakiin wadato qorshe jahanami ah oo ay rabto ineey wadankeena ku abuurto shiico.

    IIRAAN IYO CAQIIDO XUMIDEEDA.
    iiraan waxey diinta islaamka soo gashay waqtigii amiiru muuminiin cumar binu qadaab iyadoo markaas aheed dowlad aad u weyn oo loo yaqiin
    (FURUS) waxeyna ahaayeen majuusi oo dabka caabudi jiray,rasuulkeenu waxoow hore u sheegay in furus la furan doono waxaana si xoog ah lagu qabtay waqtigii cumar radiyalaahu canhu.
    mudo markey reer iiraan muslimiin ahaayeen waxey bilaabeen iney noqdaan shiico iyagoo leh waxaan nahay muslimiin laakiin waxey cadesteen cadaawo ay u qabaan ummadda nabbi maxamed oo sunada ah,waxey aad usoo shaacbaxeen markii ow talada qabtay ninkii la dhihi jiray aayatullaahi qumeyni,bilaabayna inoow si xoog ah ugu fidiyo shiicada wadamada caalamka oo dhan qaasatan afriko iyo carabta.
    CADAAWADA IIRAAN U QABTO CARABTA.
    iiraan waxey qabtaa labo cadaawo oo midina tahay mid qarni hore dhacday midna qarnigii labaataanaad dhaxdiisa.
    cadaawada qarnigii hore waxey tahay in iiraan ahaan jirtay dowlad aad u weyn oo waqtigii diinteenu bilaabatay ay caalamka ka jireen labo boqortooyo oo la kala dhihi jiray (ruum iYO furus) furus oo aheed dowladii ay jabiyeen asaxaabtii rasuulkeena oo cumar binqadaab amiirka u ahaay iiraan waxey qabtaa cadaawo ah in cumar binqadaab ow boqortooyadoodi burburiyay taasna waxey ku cadahay in ay cumar bin qadaab ay aad u necebyihiin cumar binqadaabna waxaa dilay nin la yiraahdo abuululu almajuusi oo asalkiisu yahay iinraan waana taariikh la wada yaqaan oo waxoow dilay isagoo salaad subax dadka dukinaayo.culumada islaamku waxey tiraahdaa ninkaas waxaa lagu dhaxtalaalay magaalada madiino si ow cumar u dilo waxowna mudo ka dib ku guuleystay inoow cumar dilo isna waa isdilay markow cumardilay.(ISU EKAA IIRAAN IYO SHABAABKA MAANTA)
    ninkaas waxaa iraan looga yaqaan shahiid waanay ku faanaan.

    CADAAWADA QARNIGII LABAATANAAD.
    iiraan waxey dagaal la gashay wadanka ciraaq sideetanaadki dagaalkaasu waxoow ahaay mid lagu hoobtay ciraaq waxaa ka talinaayay sadaam xuseen oo ahaay nin suni ah ahaayna carabi waxaa la saftay ciraaq wadamada carabta oo dhan ciidan iyo hubba iiraan oo dhowr goor diiday in ay nabad qaadato waxey ku qasbanaatay ineey dagaalki joojiso markay awoodi waysay iney waajahdo dowladihii carabta oo dhan,
    dagaalki waa istaagay carabtina waa ilowday dagaalkaas laakiin iiraan maysan iloobin.
    iiraan waxey go,aan ku gaartay iney carab ka aarsato laakiin dariiq aan dagaal ahey oo qarsoon,waxey go,aansatay ineey carab wadamadeeda oo dhan ku faafiso shiicadda iyo caalamka oo dhan laakiin carabta si ka aarsi ah.
    iiraan waxey isku fidisay wadamo badan oo carab ah qaasatan khaliijka oo ay dad badan oo iiraan ahi qaateen baasabooro khaliij ah
    waxey galeen dowlada meelaha ugu sareyso waxey bartaan cimiga meelaha ugu muhiimsan sida,qaanuunka si ay maxkamadaha u qabsadaan,ciidamada melatariga iyo booliska si ay amniga wadanka gacanta ugu dhigaan,ganacsiga si ay dhaqaalaha wadanka u hantaan,
    warfaafinta oo ahmeelaha qarnigaan ugu khatarsan. minishiibiyada qaasatan waaxaha gurya bixinta si dadkoodoo dhan uga dhigaan dad haysto guryo ay leeyihiin.
    iiraan waxey ku abuurtay wadamada carabta shiico aad u fara badan
    waxey dowladaha qaarkood ka gaareen meelaha ugu sareyso sida.
    suuriyo xaafid alasad.
    lubnaan gudoomiyaha baarlabaanka (NABIIL BARRI0) iyo taliyaha xisbullahii lubnaani oo xitaa dowlada lubnaan ka xoog badan.
    wadamada khaliijka waxey ka buuxaan baarlabaanadooda iyo wasiiradooda wadanka sacuudi oo ah xarameyki waxaa la yiraahdaa waxey qabsadeen koofurta sucuudi oo waliba rubuc ahaan shacabka sacuudi shiico lagu fidiyay,
    imaaraadka waxey xoog uga haystaan seddex jasiiradood
    yamen waxey ku beereen xuuwsi oo afgambi ku sameeyay dowladii sharciga aheed,waana tan maanta xoreynteedu socoto.

    iiraan waxey adeegsataa dariiqooyin badan oo ay ugu muhiimsantahay gargaar,iyadoo ku hoos qarinayso shiiceyn waxey markasto doorataa dadka aad u danta yar sida barakacyaasha iyo dadka aan waxbaran
    waxey dadka ka soo gashaa waxaan nahay ahlu bayd iyagoo ahlu baydki rasuulka caynaayo ayeey dadka isu tusaan ineey ahlka rasuulka jecel yihiin.

    IIRAAN IYO DILALKA QARSOODIGA AH IYO MAANDOORIYAHA.

    iiraan taariikhdeedu waxeey dil qarsoon ka soo bilawday cumar binqadaab raali illaahey haka noqdee.
    iiraan waxey ka qayb qaadataa meelkastoo muslim sunni ah lagu gumaado sida wadanka suuriyo oo ay maanta xoolaha ku baxo gumaadka shacabka suuriyo iyada iyo ruusiyo bixiyaan
    xuuwsi iyadaa bixiso hubka ay ku dagaalaan.
    waxaa la cadeeyay ineey xitaa dowlada boormo oo ah dowlad haysato diinta buudigga ah ay ku kaalmeyso baabi,inta iyo barakicinta muslimiinta dego gobolka la yiraahdo ruuhingiyo oo ah muslimiin sunno ah oo laga badan yahay laakiin ah dad aad diintooda ugu dhegen iiraan cadaawadeedu xitaa waxey gaartay wadanka boormo oo beri hore la dhihi jiray minimar.
    iiraan waxey ka shaqeysaa ineey wadamada suniga ah qaasatan carabta madaxdooda iyo shacabkooda isku dirto waxey kaloo ka shaqeysaa iney culumada iyo dowladahooda iska horkeento iyadoo hadafkeedu yahay ineey culumada iyo dowladu kala dheeri soo kala dhexgasho markaasna ay iyagu buuxiyaan meelihii culumadu wadnkaasu gacanta ku hayn jireen si ay ugu fidiso shacabka dhaxdiisa mad hab shiiciga.
    iiraan waxey caado u leedahay ineey dhalinyarada wadamada carabta ku dhexfidiso maandooriyaha si ay dhalinyarada wadankaas uga dhigto kuwo aan wadankooda iyo diintooda waxba tarikarin waxaana daliil idiin ah wadanka sucuudiga iyo yemen oo la yiri waxey dhaxdooda ku fidisay maandooriye qaasatan sucuudiga oo ay ka soo gelin jirtay xagga yemen iyadoo adeegsaneyso xuuwsiyiinta yemen, waa arrin xaqiiqo ah oo ay sheegeen sucuudigu qaasatan culumada sucuudiga oo yiri ciidamadeenu waxey maalin kasto qaban jireen maandooriye ay iiraan ugu talo gashay ineey shacabka sucuudiga ku fasahaadiso oo laga qaban jiray xuduuda sucuudigu yeman la leeyahay.
    iraan waxaa la yiraahdaa wadamada ay colaadaas soo jireenka ah la leedahay waxey ka fulisaa qaraxyo iyo dilal qorsheysan iyadoo rabto ineey wadankaas nabadiisu degin.
    iraan waxey ku caan tahay in safiiradeedu ka qayb qaataan shiiceynta waana wax ay uga duwan tahay caalamka oo dhan.

    waxaa qofkastoo wadankiisa jecel waajib ku ah inoow ka qayb qaato waxkastoo wadankiisa khatar gelinkaro.sidaas darteed ayaan xaqaa,iq aan hore u ogaaday oo iiraan quseeyo maanta halkaan ku soo qoray anigoo aad uga dhiifeysan mu,aamarada ay iiraan nala damacsantahay waayo soomaaliyo waxey ka mid aheed dowladihii ciraaq garab istaagay maantana waxaan ku jirnaa dowladaha ayiday dagaalka lagula jiro xuuwsiga yamen inqilaabay oo ay iiraan yamen ku talaashay.
    hadaba ciilka iiraan noo qabto ma yaro waxeyna meelkastoo mugdi ah oo soomaaliyi leedahay ka fulinkartaa masaa,ib aan la ogaan karin marka waxaa nala gudboon in aan dowlad iyo shacabba hal meel ka wada aragno mu,aamarada iiraan.
    iiraan maanta nagalama maqno wax weyn kaalmo ay keentana waxba noo tarimayso oo masiibooyinka ay wado ayaa nooga daran .
    waana in aan ogaano in soomaaliyo tahay wadanka kaliya ee carbeed ee aan qabi jirin diimo kala duwan iyo madaahib isqilaafsan sida sunni iyo shiico masiixi iyo yuhuud. meesha xitaa xaramenka diintu ku soo degtay ay joogaan shiico haysato baasabooro sucuudi.

    wadankeenu waa wadan illaahey ku maneystay nimcooyin fara badan
    wadan leh hal diin oo xaniif ah sunni.
    wadan qabo khayraad dhul.bad. berri,xoolo. iyo macaadin.
    meesha aan caalamka uga naal.
    shacab geesi ah oon marna ogolaan gumeysi(LIBAAXYADI AFRIKO).
    hal luuqo waana wax aan uga duwan nahay wadamo badan.
    hadaba dowladeena waxaan u dirayaa ineey nimcooyinkaas illaahey nasiiyay sidii aynu u xifdisan laheen dadaal dheer u gasho nagana illaaliso cadaw kastoo dibada naga soo galo sida iiraan iyo wixii la mid ah.waana in aan ubadkeena loo dirin wadamada ay iiraan ka mid tahay iyo wadankastoo colaado hore aynu qabnay waayo berri ubadkaasu waxeey soo noqonayaan iyagoo ah laf dhuun ku taagan waxeyna gudbin doonaan sirta wadankeena iyo dowladeena.
    waxaan dowladeena xasuusinayaa in dowlada aynu walaalaha nahay ee suudaan ay wadankeeda ka cayrisay hay,ada qumeyni kadib markii la ogaaday ineey suudaan shiicayn ka wado taasina waa daliil kale oo muujinaayo iiraan iyo hagardaamadeeda.

    wadani kastaahi waa inoow halkow wadanka ka difaaci karo ka difaaco si aynu uga badbaadno diinteenoo nagala fidneeyo iyo wadankeenoo burbur loo horseedo.

    MALOO DHASHAA WADANII MASE WAALAYSKA DHIGII KARAA WADANII?
    WAA LOO DHASHAAYE SIDEE LAYSAGA DHIGII KARAA WADANII.

    waxaan illaahey ka baryayaa inoow soomaaliyo ka badbaadsho waxkastoo diinteena iyo dalkeena wax u dhimaayo.
    soomaaliyo waa wadan caalamka islaamku taariikhdiisa ku qoray ineey diinta islaamka qaateen iyagoon seef iyo dagaal midna lagu qasbin waxaana la sheegaa in wadankeena diintu soo gaartay xitaa iyadoon madiino gaarin markii asaxaabta rasuulku xabasho u haajireen ayaa la yiraahdaa in diintu gaartay magaalada harar.
    marka waxaan rajo weyn ka qabaa in shacabkeena sharafta badan iyo dowladeena qaaliga ahiba ay gaashaanka u daruuri doonaan waxkastoo diin fidneys ah oo wadankeena lala soo maago inshaa allaah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here