Hey’adda NISA oo sheegtay in horjooge ka tirsan UGUS soo qabatay

0
2639

Howlgalo balaaran oo ay ciidamada hey’ada NISA ee dowlada Soomaaliya ay   ka sameeyen qaar kamid ah degmooyinka gobalka Banaadir ayaa waxaa ay ku soo qabqabteen  5  ruux oo isugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyad ka tirsan kooxda Gumaadka Umada Soomaaliyed ee UGUS   kuwaaso xiliga la soo qabanaayay ku howlanaa falal lidi ku ah amaanka dalka.

Dadka la soo qabtay oo ay Ciidamada sirdoonka iyo nabad  sugida  qaranka u soo bandhigtay  warbaahinta   qaranka waxaa kamid Maxamed Mire Caraaye oo ah gacan ku dhiigle katirsan kooxda UGUS  isla markaana dilal fara badan u geystay muwaadin Soomaaliyed  iyadoo soo qaba shadiisa ay gacan ka geysteen shacabka ku nool degmada Yaaqshid  waxuuna kooxda  UGUS  ugu u qaabilsanay degmooyinka Deynile iyo Yaaqshid halkaasi oo ku dhibaateyn jiray dad shacabka oo aan waxba galabsan.

Raggani ay hey’ada NISA ay soo bandhigatay ayaa waxaa lala xariirinaayay in ay ka dambeeyeen dilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada  Muqdisho.

Hey’ada sirdoonka iyo nabadsugida  qaranka ayaa waxaa sidoo kale howlgalka ay sameyeen waxa ay ku fashiliyeen Miinooyin ay maleeshiyaadka  Ugus  ku doonayeen in ay ku dhibaateyaan dadka shacabka ah ee isticmaala wadooyinka Maka Al makurama iyo Nasiibuundo wadooyinkaasi oo kamid ah kuwa ugu mashquulka badan magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale Hey’ada  sirdoonka iyo nabad sugida  qaranka ayaa waxaa ay soo bandhigtay Cabdisalaam Maxamed Jaamac  oo horey uga mid ahaa kooxda  Gumaadka Umada Soomaaliyed ee UGUS isla markaana haatan isku soo dhiibay dowlada Soomaaliya isagoo ka faa’ideystay cafiska ay madaxweynaha dalku u fidiyeen dhalinyarada ka tirsan kooxda UGUS.

Cabdisalaam Maxamed Jaamac  oo u waramay wabaahinta qaranka ayaa tilmaamay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu cafiska dowladda Soomaaliya u sameysay.

Hey’ada amaanka dalka ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka wadeen howlgala balaaran oo lagu xaqiijinaayo amaanka dalka isla markaana dalka looga nadiifinaayo maleeshiyaadka nabad diidka ah ee UGUS.

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here