Hillary Clinton oo madaxweyne ku xigeen u magacaabatay Tim Kaine

3867

Musharaxa madaxweyne ee xisbiga Dimiquraadiga Mareykanka Hillary Clinton ayaa shaaca ka qaaday cidda ay u dooneyso madaxweyne ku xigeen, waxaana ay jagadaasi u dooratay ninka lagu magacaabo Tim Kaine.

Virginia-senator Tim Kaine ayaa horay loogu ishaartay jagadaasi kaddib markii uu kasoo dhex muuqday liiska xubnaha doonaya jagada madaxweyne ku xigeenka.

Tim Kaine waxaa uu horay usoo qabtay jagada duqa gobolka Virginia, waxaana uu hadda ka mid yahay xubin ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here