Hirshabeelle iyo QM oo ka wada hadlay wax ka qabashada barakaca iyo fatahaadaha

Muqdisho-(Radio Muqdisho)-Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya , James Swan ayaa xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ku qaabbilay Wasiirka arrimaha Gudaha Maamul Goboleedka Hirshabelle, Maxamed Cali Caadle.

Labada mas’uul ayaa kulankooda waxa ay uga hadleen dhismaha Golaha degaannka, isku dubaridka howlaha barakacayaasha, Fatahaadaha iyo qodobo kale.

Ambassador; James Swan, ayaa ballan qaaday in Hirshabelle ay ka taageeri doonaan wax kasta oo horumar ah, ayna ka Gacan siin doonaan sidii wax looga qaban lahaa musiibooyinka dabiiciga ah iyo maamul wanaagga.

Maamulka Hirshabelle ayaa waday Bilihii la soo dhaafay qorshe loogu dhisayo Golayaal degaan qaar ka mid ah Degmooyinka hoos taga maamulkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here