Hogaamiyihii Xisbiga Madax-banaanida Turkiga oo u Geeriyooday  Corona Virus.

Hogaamiyihii xisbiga madax banaanida Turkiga Xaydar Baashi ayaa ku geeriyooday Talaadada maanta dalka turkiga ka dib markii uu afartii maalmood ee lasoo dhaafay u jiifay cudurka dunida dhibaateeyey ee Crona Virus.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo daabacay dhambaal murugo leh oo tacsi ah isagoo u diray dhamaan shacabka Turkiga gaar ahaan eheladii iyo asxaabtii uu ka tagay Xaydar Baashi Waxaan Ilaahay ka baryayaa inuu u naxariisto Mr. Bashi iyo dhammaan muwaadiniinteenna ku waayey noloshoodii cudurka Crona, waxaanan tacsi u dirayaa dhammaan eheladooda ayuu yiri Madaxweyne Racep Erdogan.

Hogaamiyaasha kala duwan ee xisbiyada siyaasadaTurkiga ayaa iyaguna dhambaalo tacsi ah usoo diray shacabka iyo ehelada uu ka tagay Xaydar Baashi, waxaana kamid ah xubnaha tacsida diraya Kamal Kılıçdar hogaamiyaha xisbiga jamhuuriga oo ah xisbiga ugu weyn axsaabta mucaaradka ee dalka Turkiga.

Docda kale fiidnimadii xalay oo isniin ahaydayaa Wasaaradda Caafimaadka  Turkiga waxay ku dhawaaqday in tirada dhimashada ee Corona Virus ay gaartay dalka Turkiga 1296, Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in dadka uu cudurku haleelay ay gaarayaan 61.490 halka dadka cudurka kasoo kabtay ay gaarayaan 3,957.

Laga soo bilaabo maanta duhurkii, tirada Corona ee adduunka ku nool ayaa dhaaftay Hal milyan iyo 934 kun, iyadoo in ka badan 120 kun ay u dhinteen cudurka, halka qiyaastii 457 kun ay kasoo kabatay, sida lagu sheegay mareegay warbixino kasoo baxay WHO.

 

Turjumaadii:- Zakariye Khaliif Faarax

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here