Hoobiyeyaal dad rayid ah ay ku dhinteen oo ku dhacay Xero ay deganyihiin dad barakacayaal ah

Ugu yaraan labo ruux ayaa dhimatay 10 kalena way ku dhaawacmeen kadib hoobiyeyaal ku dhacay xero ay ku noolyihiin qoysas barakacayaal ah oo ku yaalla Laanta koowaad ee degmada Warta Nabadda.

Dadka ku dhaawacmay falkan ayaa loola cararay goobaha caafimaadka, iyadoo ay goobta soo gaareen ciidamada amniga oo halkaasi ka bilaabay howlgallo lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay falkan

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa caado ka dhigtay inay bartilmaameed ka dhigtaan goobaha ay shacabka ku badanyihiin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here