Hooyo Soomaaliyeed oo ku dhibaateysan Muqdisho (Sawirro)

1
3778

Hibo Jaamac Cabdulle “Dhegabadan” waa gabar Soomaaliyeed oo ku dhibaateysan magaalada Muqdisho, taasoo uu cudur halis ah uu kaga dhacay naaska.

Dhaqaatiirta ayaa caddeeysay in cudurka asiibay gabadhaasi aan dalka wax looga qaban Karin , balse ay u baahantahay in loo qaado dibadda si loo helo daryeel caafimaad.

Hibo Jaamac waa hooyo dhashay 7 caruur ah, qoyskeeduna ma awoodaan dhaqaale ay ugu qaadaan cafimaad dibadda ah.

Sidaasi darted waxaa laga codsanayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee muxsiniinta ah, una damqanaya dhibaatada heysata walaashood Hibo Jaamac iney u soo gurmadaan gabadhaasi, si loogu helo daryeel caafimaad oo dibadda ah.

Fadlan xaaladda gabadhaasi kala xiriir Telefoonkan. +252617005260

IMG_20150119_131846

IMG_20150119_133008

IMG_20150119_133048

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. laa illaaha ilaa allaah .

    aad iyo aad ayaan uga naxay gabadhaan walaasheena ee dhibka wayni haayo, waa qadar illaaheey waana mid lagu fiirinaayo qofkastoo naga mid ah, soomaalidu waxeey tiraahdaa dhib intoow kaa maqanyahay waxoow ku maqanyahay dad kale,marka maanta inteena caafimaad qabtaa illaaheey waxoow na fiirinayaa marka hore in aan aan shugri illaaheey la nimaado caafimaadka ow nasiiyayna aan ku cibaadeysano dulmigana ka dheeraano.

    tan kale illaaheey waxoow na fiirinayaa in aan u naxariisano walaalaheena jilicsan sida gabadhaan dhibaataysan.
    marka walaalayaal qofka far kaliya ee xanuunayso ayoowsan ka seexan karin balka warama gabadhaan jirkeedi go,go,ay yaa allaah
    raxmadaada ku maneyso hooyadaan.

    walaalayaal maanta waa maalinteeni illaaheyna waa jecel yahay dadka isu naxariisto,walaalayaal waa fursad qaali ah, qofkii jirani ha u niyeysto in illaaheey ku caafiyo kaalamadiisa kii dhibaato haysato illaahey ha u niyeysto in dhibaatada illaahey ka qaado, walaalayaal rasuulkeenu waxoow yiri dadkiina jiran ku daaweysta sadaqada sidaas darteed qofkastoo dan leh maanta haka faa,iideysto in ow gabadhaan garab istaago waxaanaba ugu fadli badan in qofku ow aakhiro darteed wax u dhiibto.

    illaaheey waxaan waydiisanayaa in ow gabadhaan dhibka haayo si deg deg dh uga qayb qaado intii garab istaagtana adduun iyo aakhiraba u gargaaro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here