Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad lagu laayay Shabeellaha Hoose

Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay duqaymo iyo weeraro toos ah oo ka dhacay gobalkaas lagu laayay maleeshiyaad badan oo ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab.

Saraakiil la hadlay Radio Muqdisho oo ku sugan Gobalka Shabeellaha Hoose ayaa xaqiijiyay in duqayntaan ay ahyd mid bartilmaameed ah, oo lagu beegsaday Horjoogayaal ka tirsan Argagixisada sidoo kalana lagu laayay maleeshiyaad badan.

Saraakiisha ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in howlgalkaan uu ka dhacay deegaano kala duwan oo ka tirsan Gobalka.

Howlgalkaan ayaa daba socda howlgal dhowaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ay kula wareegeen degmada Owdheegle iyo deegaano kale oo istaraatiiji ah oo Al-Shabaab dhibaatooyin badan ay ugu gaysan jireen shacab.

Wixii ku soo kordhaa goor dhow halkaan kala soco.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here