Horjoogeyaal katirsan Al-shabaab oo lagu dilay Shabeellaha Hoose

50

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo howlgallo ka dhan ah nabadiidka Al-shabaab  ka sameeyey deegaano hoostaga Degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabellada Hoose  ayaa waxey ku dileen horjoogayaal Al-shabaab u qaabilsanaa Amniyaadka iyo Sirdoonka.

Saraakiil katirsan ciidanka xoogga dalka oo lahadlay Idaacadda Codka Ciidamada Qalabka sida ayaa sheegay in Horjogayaasha la dilay  ay magacyadooda ay kala ahaayeen horjooge Macalin Xuseen oo Nabadiidka Al-shabaab ay u yaqaaneen Sheekh Nuur, una qaabilsanaa Amniyaadka isagoo Horjooge u ahaa koox dilal qorsheysan ka fulisa Muqdisho iyo gobolka shabellaha hoose.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay in howlgalkan lagu khaarajiyey Farxaan daahir xiirane oo isna  Al-shabaab u qaabilsanaa sirdoonka, waxaana ay tilmaameen Horjooge Xiirane uu dhowr jeer oo hore dalka Siiriya kaga soo qeyb qaatay dagaalo.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here