Howlgal Amniga lagu xaqiijinayey oo laga sameeyey wadada xiriirisa Muqdisho iyo Walaweyn

Howlgalkaan oo lagu xaqiijinayay Amniga Wadada dheer ee xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo degmada Walaweyne ee Gobalka Sh/hoose ayaa Ciidamada komaandooska ee Xoogga dalka waxa ay ku guuleysteen iney fashiliyaan miinooyin ay dhagar qabayaasha Argagixisada Al-shabaab ay ku doonayeen in ay ku dhibaateeyaan Shacabka Soomaaliyeed ee Isticmaala Wadadaasi.

 

Ciidanka ayaa la arkayey iyaga oo wada howlgalka miinada looga saarayey wadada, waxaana hogaaminayey Gaashaanle C/raxmaan Cumar Jeeniqaar taliyaha Ciidamada Danab ee Xoogga Dalka.

Alshabaab ayaa mar waliba isku daya falal ay ugu talagaleen iney ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed, hase yeeshee ciidanka amniga dalka ayaa ka hortaagan iney fuliyaan falalkooda guracan.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here