Howlgal lagu baacsanayo Al-shabaab oo ka socda Gobolka Bakool

276

Howlgal lagu baacsanayao Mleeshiyaadka Argagixisada ah ee Al-shabaab ayaa ka bilowday degmada Waajid iyo deegaano hoostaga, si meesha looga saarao Haraadiga Nabad-diidka Al-shabaab oo dhibaato ku haya shacabka ku nool gobolka Bakool.

Wariyaheena Gobolka Bakool Maxamed Xasan C/raxmaan ayaa sheegay in howlgalku uu bilowday, islamarkaana ciidanka Dowladda ay doonayaan in meesha laga saaro Argagixisada oo dhibaato u geysta dadka shacabka ah ee ku nool deegaanada gobolkaasi.

“Ciidanka waxey si gaar ah howlgalada ula bartilmaameedsanayaan meelaha fara kutiriska ah ee ay ku dhuumaaleysanayaa Al-shabaab, sidaas oo kale shacabka ayaa is abaabulay oo la dagaalamaya Maleeshiyaadkaas”ayuu yiri Maxamed Xasan C/raxmaan wariyaheena gobolka Bakool.

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa howlgaladan waday dhawaanahaanba, waxaana looga gol leeyahay in gobolka Bakool laga nadiifiyo Al-shabaab.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here