howlgal lagu dilay Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab

Laamaha Amniga ee dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay faahfaahin guud ka bixiyeen howlgallo ka dhacay gobolada Gedo iyo Jubada hoose, kaas oo ay fuliyeen Ciidamada.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland Cabdi Nuur Ibraahim Xuseen ayaa sheegay in howlgalladaas ay Ciidamada Jubbaland ku dileen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab sidoo kalena qaarkood ay nolosha ku qabteen.

Afhayeenka ayaa Warbaahinta kula hadlayay magaalada Kismaayo waxaana uu sheegay in howlgalka laga sameeyey deegaannada Cabdala Biroole, Yaaq Bishaaro iyo deegaano kale oo hoostaga degmada Jamaame.

Howlgaladaas guulo waaweyn ayey ka gaareen ciidanka fuliyey, sidoo kalena ciidamada ayaa dilay Afar Xubnood oio ka tirsan Maleeshiyaadka Al-Shabaab kana qabsadeen saanad Milateri sida uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Amniga ee Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here