Howlgal qorsheysan oo lagu soo qabtay xubno ka tirsan argagixisada Al-Shabaab

404

Howlgal qorsheysan oo ciidanka Amnigu xalay ka fuliyay Xafiiska Xizbada Al-Shabaab ee deegaanka Sabiid Caanoole, ayaa lagu soo qabtay labo xubnood oo Al-Shabaab ah, walxaha qarxa iyo saanad ay isticmaali jireen.

 

Bayaan lagu daabacay bogga Twitter-ka ee hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa lagu cadeeyay in howlka qorsheysnaa lagu guuleystay, iyadoo muhiimadda koobaad ee ciidanka Amniga ay tahay kahortaga Al-shabab iyo badbaadinta shacabka.

Ciidamada amniga ayaa xoojiyay howlgallada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya qeybo mid ah gobolada dalka.

 

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here