Howlgallada lagu sugayo amaanka caasimadda oo la kordhiyay

0
887

Wasaaradda amniga ayaa sheegtay in la kordhiyay howlgallada lagu adkeynayo amniga magaalada Muqdisho.

Afhayeenka wasaaraddaasi ayaa Radio Muqdisho u sheegay in maalmihii ugu dambeeyay ay wasaaraddu qaadday tallaabooyin lagu adkeynayo amaanka magaalada caasimadda ah, isagoo intaa ku daray in la joogteeyay howlgallada lagu xaqiijinayo amniga magaalada.

Wuxuu tilmaamay in howlgallada laga fuliyay wadooyinka,  xaafadaha iyo meelaha laga soo galo magaalada Muqdisho, isagoo hoosta ka xariiqay in howlgaladu ay leeyihiin wajiyo kala duwan, oo dhamaantood ku qotoma adkeynta amniga.

Afhayeenka ayaa xusay in sanadkan cusub la dar dar gelinayo howlgallada la xiriira dhinaca amaanka, kuwaasoo ay si wada jir ah u fulin doonaan ciidanka booliiska iyo kan hey’adda nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka.

Maxamed Yuusuf ayaa ka dalbaday bulsha weynta Soomaaliyeed ineey gacan ka geeystaan dadaallada ay dowladda Federaalku ku adkeyneyso ammaanka caasimada dalka ee Muqdisho.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here