Howlgallo amaanka lagu xaqiijinaayo ayaa laga sameeyay Baydhabo

0
923

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa maanlintii labaad waxaa ka socoda howlgallo lagu xaqiijinaayo amaanka magaalada, ciidamada Boliiska, Nabad sugidda Qaranka oo kaashanaya kuwo Midowga Africka ee AMISOM ayaa si wadajir ah u fulinaya howlgalladaasi.

Wararka Baydhabo ka imaanaya ayaa waxaa ay intaa ku darayaan in Ciidamada Amniga lagu arkayo wadooyinka waa weyn iyo xaafadaha ay howlgalada ka socdaan iyadoo askarta ay guri guri u baarayaan,Taliyaha Qeybta Booliiska ee gobolka Baay Gaanshaanle Sare Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa saxaafadda u sheegay in howlgaladan ay ku soo qab qabteen 10 ruux oo lagu tuhunsanyahay in ay ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Taliyaha Booliiska ee gobolka Baay ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay in dadka maanta lagu soo qab qabtay howlgalada baaritaano lagu sameyn doono isla markaana qofkii dambi lagu waayo la sii deyn doono.

Magaalada Baydhabo ayaa dhowaan waxaa lagu diley mashaa’iikh waa weyn oo si weyn loogu yaqaanay guud ahaan gobolka Baay, waxaana saraakiisha laamaha amaanka ee gobolka Baay ay wacad ku mareen in ay xoojinayaan amaanka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here