Howlgalo Ammaanka Lagu Xaqiijinayo Oo Beydhabo Laga Sameeyay

890

Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa howlgalo lagu xaqiijinayo ammaanka ka sameeyay xaafadaha ay ka koobantahay magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Baay, iyadoo ciidamada ay baarayeen gaadiidka iyo guryaha ku yaala magaaladaasi.

Howlgalka oo saacadihii la soo dhaafay laga sameeyay magaalada Beydhabo ayaa waxaa lagu soo qabtay dad aad u fara badan oo la tuhunsanyahay in ay ka mid yihiin Kooxda Gumaadka Umadda Soomaaliyeed ee UGUS, iyadoo qaarkood markii dambi lagu waayay la sii daayay.

Saraakiisha ammaanka ee magaalada Beydhabo ayaa sheegay in howlgalkani uu 24-ki saac ee la soo dhaafay  si xowli ah uga socday magaalada Baydhabo, howlgalkana uu qeyb ka yahay xaqiijinta amniga dadka shacabkana ay aad ula shaqeeyaan ciidamada.

Dadka ku dhaqan magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa soo dhaweeyay howlgalada noocaan oo kale ah ee lagu xaqiijinayo amniga islamarkaana lagu baadi goobayo maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Gumaadka Umadda Soomaaliyeed ee UGUS oo ay suura gal tahay in ay ku dhuumaleysanayaan magaalada.

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here