Hub ka dhigista Dowladda ay Muqdisho ka wado yaan laga dhigin Hub ka dhicis (FAALLO)

0
7797

Dunida aynu maanta joogno Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalkeena Soomaaliya kaliya ma ahan meesha ugu horeysay ee laga Sameeyo howlgal xasilin ama hub dhigis ama xakameen balse waxaa ii muuqata kala fikir duwaanaasho bulshada dhexdeeda ah.

Wadamo badan oo dunida hada horumaray ayaa waxa ay horay usoo sameeyeen howlgallo iyo heshiisyo hub ka dhigis ah, kuwaasi oo ay ku guleysteen, waxaana jira sharciyo iyo heshiisyo badan oo quseeya arrintaan kuwaasi oo lagu gaaray meelo badan oo dunida ku yaala oo ay ka mid tahay Geneva Switzerland.

Hub ka dhigis waa waxyaabaha ugu adag ee la sameeyo uguna caqabadaha badan dunida marka aad baarto ama aad aqriso buugaagta laga qoray mowduucaan waxaana jira buugaag fara badan oo qoran kana hadlayo hub ka dhigis sida buuga loogu magac daray “Hub ka dhigista iyo Mareekanka” ee uu qoray Benjamin Williams sanadkii 1973.

Howgalka xasilinta caasimadda waa howlgal curdun ah oo hada dhaw bilowday sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen saraakiisha amniga, waxaana kuu muuqaneysa in ay jiraan fursado badan oo wanaag uu ka muuqdo sida dowladda in ay diidantahay oo kaliya in hubka magaalada lagu dhex wato taasina waa xal dan u ah qof walba oo Nabad iyo Nolol raba.

Hanaanka hub ka dhigista ee dadka qaar ay u turjunteen hub ka dhicis waxa uu mari doonaa habab badan oo u baahnaan doona in la qeexo, lana muujiyo waajibka saaran Dowladda iyo xaqa uu leeyahay Muwaadinka hubeysan iyo waliba xaqa lagu leeyahay.

Qof soo iibsaday Bastoolad, Ak47, qoriga ay Soomaalida u taqaan Daba jeex, Ama gaari cabdi bille ah si uu naftiisa ugu ilaaliyo in laga qaado waa mid xanuun badan, qofkana ku ridi karta mooraal dilaac ku aadan cida naftiisa badbaadineysa iyo sida uu ku heli lahaa lacagta uu kusoo iibsaday hubkaas maadaama ay dowlada kala wareegtay.

Balse dowladda ayaa waxa ay wadaa qorshe lagu ilaalinayo dhamaan dadka u baqanayo naftooda ilaa iyo xad, waxaana rajeyn doonaa arintaas in lagu daro arin dhaqaale celin ah, taasina waxa ay fududeen doontaa in dad badan aysan hubka duugan oo ay Dowladda ku soo wareejiyaan.

Safar walba oo Kun talaaba ah waxa uu ka bilowdaa koow, hub ka dhigista hada ka bilaabatay Muqdisho waxaa xigi doonta magaalooyin badan oo hubka sida Muqdisho loogu wato in hubka laga dhigo, tàasina waxa ay yareyn doontaa in shacabka aan hubeysneyn ay ku dhintaan si maxaa kaa galay ah oo ummadda dhan ay noqdaan dad ilaahey ka sakow amniga ka suga Dowladda ee aan gacantooda ku tashan.

Hal qof oo hubeysan oo qabiilkaaga ah oo kaliya difaacanaya naftiisa, Tan waalidkiisa iyo tan carruutiisa inta aad ku taageeri laheyd in Dowladda aysan Hubkiisa ka qaadin, soo kaagama wanaagsana in aad Dowladda ku taageerto in ay hubka isaga ka qaado ayna kuu badbaadiso Kumanaan Soomaali ah oo gardaro ama qarax lagu dili lahaa, Badbaadada Shacabka waxaa mas’uul ka ah Dowladda, qabiilka waxa uu dib kuugu celinayaa Mugdigii iyo cidladii Muqdisho ay horey usoo martay, Hub ka dhigista dowladda ma aha hub ka dhicid ee waa badbaadinta qoyskaaga iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.

 

WQ Sharmake Abukar Amin

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here