Ilhan Cumar iyo Soomaali kale oo guulo ka gaaray doorashada Mareykanka

Ilhan Cumar ayaa mar kale ku guuleysatay xubinnimada Aqalka Wakiillada Mareykanka, kaddib markii ay la tartantay musharrax ka socday xisbiga Jamhuuriga.

Musharaxiin kale oo Soomaali ah una tartamayay kuraasta golaha deegaanka ee gobolka Minnesota ayaa sidoo kale guulo ka gaaray doorashadii shalay.

Ilhaan Cumar ayaa ku guuleysatay kursigeeda koongareeska Mareykanka waxeyna markii labaad ka mid noqoneysaa senator ka tirsan dalkaas.

Cumar Faatax ayaa noqday Soomaaligii ugu horreeyay eek amid noqda aqalka sare ee gobolka Minnesota,wuxuuna ka guuleystay musharaxiin badan oo ka soo horjeeday.

Hodon Xasan iyo Maxamed Nuur ayaa iyana ku guuleystay kamid noqoshada aqalka hoose ee gobolka Minnesota.

Tirinta doorashada Madaxweyne-nimada dalka Mareykanka ayaa weli socta waxaana xilal kala duwan ku guuleystay Soomaali badan oo ku nool dalkaasi

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here