In ka badan 50 muhaajiriin ah oo ku dhimatay xeebaha Liibiya

Hay’adda Socdaalka Adduunka ayaa sheegtay maanta oo isniin ah in 57 oo muhaajiriin ah ay ku dhinteen xeebaha dalka Liibiya

Afhayeen u hadlay Hay’adda IOM ayaa sheegay in tahriibayaashaan dhinteen kadib markii ay la degtay doonti ay saarnaayeen, iagoo inataa ku daray in kulluumeysatada dalka Liibiya soo badbaadiyeen ugu yaraan 20 qof oo ay ku jiraan haween iyo carruur .

Dad kor u dhaafaya 600 ayaa ku dhimatay sanadkaan xeebaha caalamka, iyagoo tahriibaya, sida laga soo xigtay tira koobyada ay diiwaangelisay Qaramada Midoobay.