In ka badan 800-ruux oo ku Dhimatay Dhulgariirkii Indonesia

814

Illa 832 ruux ayaa ku dhimatay dhulgariir iyo duufaan ku dhufatay jasiiradda Sulawesi ee dalka Indonisia sida ay xaqiiiyeem Wakaaladda Maareynta Masiibooyinka ee dalkaasi.

Dad badan ayaa la sheegay in ay ku xayiran yihiin dhismayasha dumay,halka dhaawaca uu gaarayo in ku dhow kun.

Madaxweynaha Indonisia Joko Widodo ,ayaa maanta gaaray Jasiiradda Sulawesi,si uu u qiimeeyo xaaladda dhulgariirka iyo dhibaatada gaartay dadka iyo deegaanka,

Dad aad u farabadan ayaa laga soo badbaadiyay dhismayaasha burburay hoostooda,waxaana ka mid ah haweeneey xalay laga soo helay burburks Hoteel Roa-Roa

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here