Is weydii maxaad ka aaminsan tahay in uu kaaga dhigan yahay, Halkaan ka ariso Warbixin.

0
2005

QABIIL QARAN MA NOQDO

Qabiil waxaa macno ahaan nagu filan inta quraanka kariimka lagu sheegay taaso ah in la isku fahmaan inta isku heybta ah oo kaliya ,  haddii aan si kooban u tilmaamo qabiil waxaa loo yaqaana beel ama dad  oo uu ka dhexeeyo dan guud sida heybta, abtirsimada, dhiiga, isir iyo farac.

Meelaha qaar qabiil waxaa lagu micneeyaa inuu ka turjumaayo dad wadaaga dano guud, degaan , isbaheysi , fikir iyo siyaasad ka mideysan yihiin, xag abtirsimada iyo isir raac. 

 Qabiilku  waxa uu leeyahay qaab-dhismeed  isir raac oo abtirsiin leh , oo  meel uu ka bilaabmo iyo meel uu ku dhamaado, sidaasi darteed qabiil micno gaar ah ayuu u leeyahay dadka soomaaliyeed waxayna u isticmaalaan seef laba af leh xagga nabada oo ah in ay isku aqoonsadaan oo ay si wada jir ah isugu gurmadaan inta isku heybta ah ama isir ah, xiliga colaadana ay isku difaacaan. In kasto qabiilka ujeeddooyin fara badan loo isticmaalo ayaddoo lagu fushanaayo danooyin gaar ah hase yeeshee  dhamaan ummmadda soomaaliyeed ay isku waafaqsan tahay qabiilku wuxuu yahay sida naska quraanka kariim lagu sheegay in la isku garto inta isku isir ah oo kaliya.

 Waxaa is weydiin mudan dadka soomaaliyeed maxay ka aaminsanyiihin ku dhaqanka qabiilka , waxaa nasiib daro ah in dadka gaar ka mid ah ay aaminsan yihiin qabiilku inuu yahay caqiido aan marna  la dhaafi Karin oo ay u isticmaalaan dano gaar ah,maxaa yeelay waxay isku arkaan inay ka sareeyaan  dadka aan ku heybta ahayn taasoo ah been ay naftoodda ka dhaadhiciyeen oo diinta islaamka aan ogoleyn “Koox ayeysan ku jeesjeesin  ama xaqirin koox kale maxaa yeelay waxay muddan yihiin  in ay ka khayr badan yihiin kuwa lagu jeesjeesayo ”, runtii ceeb ku ma jirto in qabiil loo arko tilman dad ama beel meel wada degan oo isku heyb ah ,sidaas darted qabiil waa isir iyo farac  Soomaalidu ku abtirsato taasoo ay ula siman tahay bulsho-weynta dunida ku nool oo sidaas asalkoodi hore u raad-raaca taaso ay isku gartaan  hase yeeshee ma haboona in loo isticmaalo qaab aan waafaqsaneyn diinta Islaamka ah.

 Sida la wada ogsoon yahay qabiilku wuxuu soo maray marxaldu kala duwan mar waliba wuxuu bulshada soomaaliyeed  dhexdeeda ku ahaa caqabada adaga oo had iyo jeer ka soo horjeedda mideynta ummadda soomaaliyeed taasoo ilaa iyo maantaoo ah qarnigii 21naad oo adduunka hormaray waxaa soomaaliyeed burburka iyo dagaalkii sokeeye waxaa u sabab ahaa qabiil iyo qabyaalada.

 Haddii aan tusaale ahaan u soo qaadano ururkii SYL oo dalkeena ka curtay Maajo 15, 1943kii oo si weyn isku xil saaray sidii shacabka somaaliyeed xornimo loo gaarsiin lahaa , ururkaani wuxuu dastuurkiiska ku soo bandhigay dhibaatadda uu leeyahay qabiilka iyo qabyaaladda iyo sida looga hor tagi karo taasoo u suurta gashay inuu si arxan la’aan ula dagaalamo qabyaaladda taasoo xiligaasi caqabad ku ahayd qabyaaladda oo runtii ururka SYL wuxuu si weyn ugu guuleystay inuu maamulkiisa uu ka tirtiro qabyaaladda taasi ayaan u suurta gelisay inuu ku guuleysto ujeeddooyinka iyo himilooyinkiisa waa weynaa oo ahaa in la helo soomaali weyn oo mideynsan.

 Munaasanaddii sannad guuradii 5aad ee aasaaskii Ururka SYL waxaa ka soo qayb galay wufuudii kormeerka ku kala soo bixiyey dhamaan gobolaaddii 5ta soomaaliyeed waxayna caddeyeen  in  ay ku soo guuleysteen kormeerkooddii waxayna sheegeen oo ay si cad u cadeeyeen in ummadda soomaaliyeed meel kastaba ha joogeenee ay diyaar u yiiin in ay hantaan  xornimaddooda iyo mideynta ummadda soomaaliyeed, xiligaasi ururka SYL wuxuu aad iyo aad ugu guuleystay in uu xakameeyo ama ka hortagay  qabiilka iyo qabyaaladda taasi na ayaa u suurta gelisay in meel kasta oo guddiga kormeerka uu cagta dhiga ba ay ku arkeen dad isku duuban oo hal ujeeddo wada leh oo ah in ay hanataan madaxbanaanidoodda, in kastoo ay jireen kuwa daneestayaal oo isticmaarka u adeega kuwaasi oo ku oor kasada heybta ay ka soo jeedeen iyaga oo fiirinaya danahoodda gaar ah.

Shacabka soomaaliyeed isla munaasabaadaasi waxaay heeso hambaarsan waddaniyad ka soo jeediyey abwaan Qaasim Hiloowle oo ku magac dheeraa  “Iskiifo” runtii heesahaasi waxaa ka mid ahaa heeskii caanka noqday “Soomaaliyey Toosootya toosooy isku tiisanaaada ha ba kiina taagdaran taageeraweligiin” iyo Qabiik qabiilka daaya, soomaliyey , Soomaaliyey kani waa ugaas, kani waa suldaan kani islaam kani waa malaaq kani waa addoon waa inaad ilawdaan”heesahaasi waxay door weyn ka qaateen kordhinta wacyiga shacabka soomaaliyeed waxaana halkaasi ka dhashay rabitaan dal jaceel iyo walaaltinimo soomaaliyeed, waxayna shacabka ku dhiira gelisay in ay u soo baxaan halganka iyo ka hortaga cadawga soomaaliyeed, markii ururka uu ku guuleystay ama  kasbaday quluubka ummadda soomaaliyeed waxaa halkaasi ka baxay oo afka dulka u daray kooxdii u ololeyneysay qabiil iyo qabyaaladda kuwaaso ahaa kuwii kaba qaadka gumeysiga. 

Halgankasi waxaa si wada jir ah oo aan loo kala harin uga qayb qaatay dhallinyadda soomaaliyeed oo kaalin libaax ah ka muujiyey halgankaasi xornimadoonka ahaa ee hogaanka u haayay ururka SYL. Horseedka Leegada waxay ka koobnaayeen dhallinyaro oo u qaabilsan ka hortaga qabiilka iyo qabyaaladda iyo hagardaamada gumeysiga waxayna safka hore kaaga jireen la dagaalanka gumeysiga iyo kuwa gumeysiga walwaala

Nasiib daro halgankii sharafta badnaa oo naf iyo maal loo huray  wuxuu ku dhamaaday markii maamulkii Majliska Tashriiciga ahaa gumeysigii talyaaniga  oo saldhig uga dhigay qabiil  iyo reer taasi ujeedadiisu ahayd in uu kala qaybiyo ummadda soomaaliyeed si loo hakiyo xawaaraha uu ku socday Ururkii SYL, wxaana halkaasi ka dhashay kuwa dano gaar leh oo dhogarta ka ah soomaali qabigana la jira gumeysiga , hase yeeshee gumeysigii Talyaaniga kuma guuleysan in uu hor istaago qadiyaddii ama ujeeddooyinkii ururka SYL, laakiinse gumeysigii talyaaniga wuxuu ku guuleystay in uu suntan qabiilka uu dhax dhigo shacabka soomaaliyeed.

Sannadkii 1954kii ka dib markii la soo gabgabayey doorashaddii barlamaanka majliska tashriiciga ahaa waxaa halkasi ka abuurmay tartan oo salka ku haya qabiil iyo qabyaalad taasi na waxay keenatay in mar kale qabiilkii madax la soo kacay ilaa iyo maanta dan afaaddiisa ay taagan tahay maamul walba ee la soo dhiso waxaa lagu dhisaa qabiil maalintaasi wixii ka dambeeyey qabiilku wuxuu xogsaday.

Ururkii SYL waxaa ka garab abuurmay ururo kala duwan oo siyaasi ah kuwaasoo ku abtirsada qabiil qaar u adeega dana ha gumeysiga iyo kuwa kale, si kasta ba ha noqoto arriintii halganka xornimadoonka ahaa  waa socday mar na ma hakanin ujeeddooyinkii gumeysiga na waa uu fashilmay, ilaa laga gaaray madaxbanaanida iyo israaca labada gobol konfur iyo waqooyi taaso dhabar jab ku noqotay cadawga ummadda soomaaliyeed waxaana dhalatay Jamhuuriyada Soomaaliya

Dawladda Soomaaliyeed oo madaxbanaan markii ay dhalatay waxaa oo if baxay ama xogsaday qabiil iyo qabyaalad hase yeeshee ma xoog badneyn  maxaa yeelay shacabka soomaaliyeed weli waxaa la weyneyd waddaniyada .

Mamulkii xiligaasi jiray wuxuu faraha la galay qabiil iyo qabyaalada taasoo keenay in dalka uu ka dhaco dilal iyo maamul xumo taasoo soo keentay in ciidanka xooga dalka soomaaliyeed uu inqilaab aan dhiig ku daadanin ku qabsaday dalka sannadii 21Oktober 1969kii xukunka na wuxuu gacanta u galay koox militeri ah oo uu hoggaaminaayey Jeneraal Maxamed Siyaad Barre. 

Kooxdaasi kacaanka dhalisay waxay ummadda soomaaliyeed ugu baaqeen in qabiilka la xaarantimeeyo ama la aaso baaqasi axdiyaddii kacaanka soo saaray ayay ahayd in qabiil ka la xarantimeeyo si weyn ayaa loogu faraxay oo caleemo qoyan loogu soo dhaweeyey kooxii kacaanka hogaamineysay hase yeeshee nasiib daro mudo yar ka dib waxaa la arkay in qabiilkii iyo qabyaaladdii madax la soo kacay taasina waxay keentay in qabiilkii uu noqdo mid lagu daneysto wuxuu na lugaha la soo galay maamulkii dawladda hantiwadaaga kacaanka soomaaliyeed, muddo dheer ka dib waxaa dalkii ka dilaacay boob , dhac iyo dil maamulkii dalka ka jiray na maalin maanta ka dambeysa uu awoodiisa ay hoos ku dhacaysay ilaa sannadkii 1991kii ay burburto halkaasi na ay dalkii u galo dagaal sokeeye oo ilaa iyo maanta dan aan laga soo kasanin dhibaatooyinkii iyo burburkii dalka ku habsaday.

Shacabka soomaaliyeed wuxuu rajaynaayey ka dib burburkii dawladdii dhexe ee kacaanka soomaaliyeed in ay dib u soo noqoto kalsoonidii iyo maamul wanaagii jiri jiriay hase yeeshee taasi ma dhicin maxaa yeelay waxaa abuurmay colaad qabiil  aan horay loo arkin iyo kala go’ halkaasi ay ku buruburtay himiladdii halganii SYL oo ahaa in maalin la heli doono somali weyn oo mideysan balse nasiib daro Jamahuuriyaddii Soomaaliya ee la helay sannadkiin 1960kii oo u kala go goo’aan maamul goboleed yaryar oo aan awood lahayn  taasi waxaa u sabab ah qabiil iyo qabyaalad oo aan ka dhaxalnay gumeysiga.

Hadda ba waxaa loo baahan yahay in shacabka soomaaliyeed in ay hal heeskooddii uu noqodo Qabiil qaran ma dhiso isla markaasi na laga gudbo hab dhismeed mar walba lagu saleeyo qabiil oo loo gudbo qaranimo iyo wadaniyad taasi ayaa filayaa in horumar lagu gaari karo maxaa yeelay, masuulintii soomaaliyeed waxaan leeyahay ilaahay ka baqa xilka weyn oo aad u qaadeen ummadda soomaaliyeed in maalinta qimaayo ilaahay hortiisa la idin weydiin doono masuuliyaasi aad dadweynaha soomaaliyeed u qaadeen. Shacabka soomaaliyeed waxaan ku boornayaa adkeynta midnimadda iyo dhowrista karaamadda jiritaanka  ummadda soomaaliyeed.

Dr. Abduladir Ali Bolay

bollay@hotmail.com

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here