Isbitaalka daweynta iyo Qalliimada Isku-furanka oo Xariga laga jartay (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Soomaaliya, Dr Fawziya Abikar Nur ayaa shalay xariga ka jartay Xarunta Daaweynta iyo Qaliimada Xanuunka Isku-furanka(Fistula).

 

Xaruntaasi ayaa laga furay Isbitaalka Guud ee Dayniile, waxaana Xaruntaasi si mutadawcnimo ha u dhisay Ganacsade ka tirsan bulshadda Degmada Dayniile, iyadoo ay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ay ku Qalabaysay in ka badan 150 sariirood oo lagu daawaynaayo haweenka la il-daran Xanuunka Isku-furanka (Fistula).

Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaliya ayaa hirey u fulisay olole qaliin loogu sameeyey in kabadan 800 oo bukaaan, Qaliimadaas ayaa ka dhacay Isbitaalka Guud ee Dayniile.

Wasaaradda Cafimaadka Soomaliya waxay u mahad celinaysaa Hey’adda Physicians Across Continents (PAC) oo qeyb weyn ka qaadatay daawaynta iyo qaliimada xanuunka Isku-furanka haweenka Soomaaliyeed.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here