Isbitaalka Magaalada Xudur oo deeq Shidaal ah lagaarsiiyey “Dhageyso”

270

Iyadoo Isbitaalka weyn ee Magaalada ku Xuduer ee Gobolka Bakool ka jirto baahiyo badan oo dhanka adeega dadweynaha ah ayaa Isbitaalka waxaa lagaarsiiyeyey Deeq Shidaal ah.

Maamulka Isbitaal Magaalada Xudur ayaa horay u sheegay in baahi badan oo dhanka Koronta, Daawooyinka iyo qalabka Isbitaalka oo aan dhameystirneyn darteen aysan dadku heli karin adeega Caafimaa doo ay u baahan yihiin.

Sanater Xuseen Sheekh Maxamuud kamid ah Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Isbitaalka Xudur waxaa uu gaarsiiyey 10 Fuusto Shidaal ah kadib cabasho ka timid Maamulka Degmada iyo Isbitaalka.

Dr Isaaq Maxamed Nuur Madaxa Isbitaalka Xudur ayaa ka mahadceliyey Deeqda lagaarsiiyey oo ay ku wareejiyeen Maamulka Degmada Xudur.

“Aad iyo aad ayaan ugu mahadcelinaa Sanaterka waxaana rajeynaa inay ku daydaan Bulshada reer koonfur Galbeed waxaana hadda lawareegnay 10 Fuusto oo Shidaal ah taasna kuma filna baahida Isbitaalka” sidaas waxaa sheegay Madaxa Isbitaalka Magaalada Xudur Dr Isaaq Nuur.

Gudoomiyaha Degmada Xudur Maxamed Macalin ayaa ugu baaqay Xildhibaanadda ku jira labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya kana soo sop jeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya inay qeyb qataan dadaalada loogu jiro sidii loo hormarin lahaa adeegyada bulshada.

Ganacsatada Gobolka Bakool iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Gobolkaas ayaa waday dhawaanahaan sidii ay isaga kaashan lahaayeen Baahida dhanka Caafimaadka ah ee ka jirta Isbitaalka Magaalada Xudur.

Halkan ka dhageyso Warbixinta Maxamed Cabdiraxmaan Xasan oo Xudur nooga soo diray

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here