Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo qado sharaf loogu sameeyay duleedka Garoowe-Sawirro

3727

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud , Madaxweynaha maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Maamulka Jubba-Land Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Maamulka Koonfur-Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadam Iyo Madaxweyne kuxigeenka maamulka Puntland Eng Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey  ayaa  maanta dooxada Jibagalle oo ku taala duleedka bari ee magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland waxaa qada sharaf ugu sameeyey Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Suldaan Siciid Maxamed Garaase  oo ah Isimida Gobolka Nugaal.

Qado sharafta ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiiro iyo xildhibaano katirsan Dawladda Federaalka iyo mas’uuliyiin kale oo uu kamid yahay guddoomiyaha gobolka Nugaal , duqa caasimadda Garoowe iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha maamulka Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa aad uga  mahadceliyey isimida gobolka Nugaal marti-qaadkooda iyo is-xilqaankoodaba isagoona tilmaamay soo dhoweynta iyo martiqaadkan oo kale inuu yahay  mid ay caan ku tahay caadimadda Puntland ee Garoowe.

“Maamulka degmada , kan gobolka  iyo Isimada Reer Nugaaleedba xafladdan quruxda badan iyo  qadadan aad kusoo dhoweyneyseen walaaleheena martida noo ah iyo annagaba aad nagu marti qaaddeen waad ku mahadsan tihiin, soo dhoweyntu wa mid lagu yaqaan Puntland iyo Garoowe, waana waajib aad gudateenoo martida idiin timi ee walaalihiin ee idin soo booqatay inaad soodhoweysaan waajib idin saaran buu ahaa waanad ku mahadsantihiin” ayuu yiri madaxweyne gaaas.

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa  isuguna dhankiisa uga mahadceliyey isimida gobolka nugaal iyo dhammaanba bulshoweynta gobolka nugaal soodhoweynihii kala duwanaa iyo qada sharaftan maanta ee ay usameeyeen Isimada dhaqanka ee  gobolka nugaal.

IMG_9786 IMG_9795 IMG_9812 IMG_9819 IMG_9820 IMG_9840 IMG_9935

Did you like this? Share it:

3 COMMENTS

  1. ithopian ayeey sheegan jireen majeerteen / hadana soomaali ayeey sheegteen majeerteen waa naag magaceed naagtaasoo boqortooyadii ujuuraan ay ka soo gateen zinsibar , majeerteen dadka isku sheegay badankood waa adoon laga keenay sinzibar , waayihii hore waxay sheegan jireen carab ,aduunka wuu ilbaxay oo waxay ogaadeen in ay dad madow yihiin , pontland dadka ku nool hadii la isku daro waxaa ka dad badan magaalada qoryoolay kana dhaqaale badan ayagoo dhan , talo soomaaliyeey ka ilaalaaliya magaalada xamar ,kacaanku daarood guryo ayuu u qaybiyey aysan lahayn wadankana ayagaa baabi,iyey guryaha ay sheeganaayaan malahan ee wadanka ayaa leh ee goboladooda ha joogaan/ waa talo

  2. Dadyahow ilaahey ka yaaba oo dadka soomaaliyeed ee walaalaha ah ka daaya at-lagaadada iyo ereyo aan Laa-ciq aheyn isku xishooda oo ka taliya wanaag iyo af-wanaagsan Dhaafa isku dirka iyo at-miishaareynta, ummadda soomaaliyeed waa wada dhasheen waa isku sinji ab iyo isir wadaag ah sidaas inay tahay ogaada.wbt

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here