Itoobiya: Weerar Lagu Qaaday Gaari Bas ah Oo ay dad Ku Dhinteen

11 qof ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen galbeedka itoobiya kaddib markii la weeraray gaari nuuca Baska dadweynaha ah.

Saxaafada itoobiya ayaa sheegtay in weerarku ka dhacay gobalka Benishangul-Gumuz halkaas oo basku  marayay.

Madaxa amaanka gobalka ayaa sheegay in dadka dhintay ay ku jira muwaadiniin u dhashay dalka shiinaha.

Dhacdadaan ayaa ku soo aadeysa iyadoo Gobalkaan Benishangul-Gumuz ay maalmahaan ka dhacayeen  dagaal ku saleysan  qabaa’ilada ka jira deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here