Jaamacadda Plasma oo deeq lacageed u qeybisay 100-qof oo ka mid ah dadkii ka soo qaxay Yemen

Boqol qof oo kamid ah dadka Yemeniyiinta ah ee kasoo qaxay dagaalka Dalkooda ka socda ayaa maanta loo qeybiyay Lacag ay iskasoo uruuriyeen Macalimiinta iyo Ardayda jaamacada Balaasma ee Magaalada Muqdisho waxaana qof kasta oo dadkaasi kamdi ah lasiinayay 750,00 oo Shilin Somaali ah.

Munaasabada Lacagta lagu siinayay qaar kamid ah Qoxootiga Yemen ayaa lagu qabtay Xarunta Jamaacad Plazma waxaana ka qeybgalay Maamulka Jmcda,xubno ka socday jalaiyada Yemen iyo Xildhibaan katirsan Baarlamanka Federaalka Somaaliya.

Gudoomiye ku xigeenka Jaamacada Plazma Maxamed Sheikh Cumar oo ugu horeyn Goobta ka hadlay ayaa sheegay in Lacagta ay maanta u qeybiyeen 100 qof oo kamid ah dadka Yemeniyiinta ah ee kusoo qaxay Muqdisho ay qeyb tahay Gurmadka dadkan loo sameynayo ayna tahay Lacag ay kasoo uruuriyeen Macalimiinta iyo Ardayda Jaamacada..

Jaamacada maamulkeeda, macalimiinteeda iyo ardaydeeda dhamaan ayagoo isku duuban ayaa waxay go’aansadeen inay gurmadka qeyb ka noqdaan gurmadkaas ayagoona cidna usii marsiineyn dadkii mudnaa in loo gurmado oo ayadu waxay heli kartay ee ardaydeedi iyo macaliimintii ay kasoo jareen oo waliba mishaaraadkooda iyo biilkii yaraa ay lacagta ku baxsanayen iyo lacagtii fiiga ee ardaygu dhiibayay lagasoo goo gooyay inana gacantiina idin siino ooidnku salimno ,jamaacadu markii ay isku noqtay oo ay dadaashay waxay go’aansatay in dadkaan maanta meesha fadhiya inay siiso calaa qof 750,000 Shilin Somaali ah ,lacagta la bixinayo Dollar maaha Kenyaatina maaha waa lacagta dalka somaaliyed uu leeyahay ayaa leydiin siin doonaa”

Sidoo kale qaar ka mid ah dadka Yemeniyiinta ah ee maanta lacagta loo qeybiyay oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa Maamulka Jaamacada Plazma Lacagta ay maanta siiyeen.

Gabagabadii ayaa Munaasabada lacagta lagu siinayay dadka Yemen u dhshay ee kasoo cararay dagaalka dalkooda ka socda waxaa ka hadlay Xildhibaan Ibraahim Saalax Deyfullah oo ka tirsan Baarlamanka Federaalka Somaaliya mahadcelinta ardayda iyo macalimiinta Jaamacada Plazma kadib ayuu sheegay in Lacagta la siiyay dadka Yemeniyiinta ah ay kusoo beegantay xili saacado ay naga xigaan Munaasabada ciidul Fidriga ayna siwanaagsan uga faa’iideysan doonaan