Jaamacadda SIU oo sagootisay in ka badan 80 arday iyo wafdigii ka socday  5 Jaamacadood oo dibada ah “SAWIRRO”

0
1343

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeyb galay xaflad sagootin ah oo Jaamacadda SIU  ay u sameysay in ka badan 80 arday iyo waftigii ka socday Jaamacadaha saaxiibka la ah ee ka qeybqaatay xafladdii qalinjabinta SIU, kuna sagootiyay garoonka diyaaradaha Aadan-cadde ee magaalada Muqdisho.

Xaflad sagootinta oo ardayda baxday oo tiradoodu gaareyso 85 arday oo ka tirsan kuliyadaha Caafimaadka iyo Injieeriyada, laguna qabtay garoonka diyaaradaha Aadan-cade ee magaalada Muqdisho, ayaa waxa ka qeyb galay Xildhibaan Prof Cabdiraxmaan Ibbi, Maamulka Jaamacadda iyo waalidiinta ardayda la sagootinayay, kuwaasi oo sanad waxbarasho ku soo qaadan doono Jaamacadaha kala ah Makerere UniversityMbrara University of Science and TechnologyGulu University,  Kenyatta University iyo University of Nairobi, ee dalalka Uganda iyo Kenya.

Abshir Maxamed Cadow oo ku hadlayay magaca waalidiinta ayaa maamulka Jaamacadda uga mahadceliyay tayaynta taclinta sare, ardaydana ku booriyay inay ka faa’iideystaan fursadan, isagoo xusay inay marqaati ka yihiin in u badkooda ka faa`iideysanayaan fursadaan qaaliga ah ee ay maamulka Jaamacadda SIU u sameynayaan.

Hormuudka kuliyadda caafimaadka ee Jaamacadda SIU, Dr. Cali Maxamed Jimcaale ayaa tilmaamay in ay tahay dufcaddii 3aad ee ay Jaamacadda dalka dibadiisa u dirto, kuwaasi oo qeyb ka ah heshiisyada caalamiga ah ee ay Jaamacaddu la gashay Jaamacadaha ku yaala bariga Afrika.

Guddoomiyaha Jaamacadda SIU Dr. C/raxmaan Jaamac Ducaale  ayaa sheegay in mudo 3 sano ah, ay Jaamacadda SIU arday u diraysay dibadda, ayna ka go’antahay sare u qaadista tayaynta tacliinta sare ee dalka, isagoo kula dardaarmay ardayda, inay si wanaagsan uga soo faa`iideystaan mudada sanadka ay waxbarashada ku maqan yihiin,  dufcadda 3aad ee maanta Jaamacadda SIU dibada u dirtay, oo uu kula dardaarmay in ay ka turjumaan magaca ay xambaarsanyihiin ee Dadka iyo Dalka.

Ugu dambeyntii waxaa ardayda la dardaarmay Xildhibaan Professor Abdirahman Aden Ibrahim (IBBI), kuna amaanay dowrka wanaagsan ee Jaamacadda SIU ugu jirto tayeynta tacliinta sare ayna tahay taariikhda markii ugu horaysay oo arday dhan 85 arday hal maalin wada baxaan, iyagoo ka soo faa`iideysanaya barnaamijka isweydaarsiga ardayda ee SIU la lee dahay Jaamacadaha ugu waaweyn Afrika.

Dhanka kale waftigii ka qeybgalay xafladdii qalinjabinta SIU ee ka kala socday Jaamacadaha Makerere UniversityMbarara University of Science and TechnologyGulu university,  Kenyatta Universty iyo University of Nairobi, ayaa xaflad sagootin ah loogu qabtay Hotel City Palace laguna gudoonsiiyay hadiyado qaali ah, Guddoomiyaha Jaamacadda SIU Dr.C/raxmaan jaamac Ducaale  ayaa ugu mahadceliyay waftiga waqtiga qaaliga ah, ee ay u hureen SIU iyo dhamaan Bulshada Soomaaliyeed, waxaa magaca waftiga ku hadashay Prof. Zipporah oo ka socotay Jaamacadda Nairobi, kana mahadcelisay sida wanaagsaneyd ee loo soo dhaweeyay.

vlcsnap-2016-09-06-17h46m15s572 vlcsnap-2016-09-06-17h46m33s344 vlcsnap-2016-09-06-17h46m48s754 vlcsnap-2016-09-06-17h46m59s244 vlcsnap-2016-09-06-17h47m06s898 vlcsnap-2016-09-06-17h47m13s736 vlcsnap-2016-09-06-17h47m26s950 vlcsnap-2016-09-06-17h47m41s464 vlcsnap-2016-09-06-17h47m55s638 vlcsnap-2016-09-06-17h48m18s358 vlcsnap-2016-09-06-17h48m25s845 vlcsnap-2016-09-06-17h48m38s697 vlcsnap-2016-09-06-17h48m53s599 vlcsnap-2016-09-06-17h49m37s106 vlcsnap-2016-09-06-17h50m05s428 vlcsnap-2016-09-06-17h50m26s235

 

Did you like this? Share it: