jaamacadda Soomaaliya oo maanta labo Maktabadood ka furtay Muqdisho “SAWIRRO”

Ujeedada furitaanka maktabadaan oo laga furay xaruumaha jaamacadda Soomaaliya ee kuyaalla Nawaaxiga  Cismaan Geeddi Raage iyo 21 janaayo ee degmada Howlwadaag ayaa ah sidii sare loogu qaadi lahaa Tayada Aqoonta Ardayda.

Munaasabadda furitaanka ayaa waxaa goob joog ahaa Mas’uuliyiin iyo Arday waxka Dhigta jaamacadd Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiinta jaamacadda ayaa sheegay in furitaanka maktabadahani ay waxbadan ka caawindoonto aradyda iyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed iyo cidkasta oo Jecel waxbarashada.

Prof  Maxmed Nuur Warsame oo ah Guddoomiye kuxigeenka  jaamacadda Soomaaliya ahna Madaxa Waxbarashada jaamacaddaas ayaa sheegay in Furitaanka Xarumahani ay Ahmiyad Gaar ah u leeyihiin Bulshada Soomaaliyeed.

Waxaan maanta furnay laba Maktabadood oo ay taallo 30 kun oo Buug  oo Jamacadda Soomaaliya u  Diyaarisay Aradayda ku xiran jaamacadda ama Ardayda Soomaaliyeed iyo Aqoonyahannada, taas oo laga furay xaruumaha 21ka janaayo, iyo Cismaan Geeddi Raage kaasi oo loogu talagalay in marka ay  ardayda Cashirrada qaataan ay waxbadan kadiyaarin karaan Buugaagta yaalla Maktabadahaan la furay maanta.

Qaar kamid ah Ardaydii ka qeyb gashay munaasabadda ayaa sheegay in ay tahay tallaabo dhanka horumarka waxbarashadooda,  iyagoo ku booriyay maamulka jaamacadda  in ay sii kordhiyaan dadaalkooda ku Aadan tayaynta Waxbarshada Ardayda Soomaaliyeed.

Marka laga hadlayo heerka waxbarasho ee dalka waxaa inta badan gaabis ahayd in la helo maktabado culuumta qeybeheeda kala duwan laga daalacdo waxaana daah saarnaa aqrinta Buugaagta kala duwan, waxaasa maanta xusid mudan in Muqdisho laga  Furo Maktabad ay sahlayso in  si fudud kor uu ugu  qaadmo aqoonta ardayda wax ka dhigta jaamacadaha dalka gaar ahaan jaamacadda Soomaaliya uu kor ugu qaadmo.

vlcsnap-2015-08-12-14h43m16s216 vlcsnap-2015-08-12-14h43m23s19 vlcsnap-2015-08-12-14h43m34s135 vlcsnap-2015-08-12-14h43m42s216 vlcsnap-2015-08-12-14h43m54s58 vlcsnap-2015-08-12-14h44m04s179 vlcsnap-2015-08-12-14h44m15s27 vlcsnap-2015-08-12-14h44m24s126 vlcsnap-2015-08-12-14h44m30s180 vlcsnap-2015-08-12-14h44m41s43 vlcsnap-2015-08-12-14h44m52s154 vlcsnap-2015-08-12-14h45m01s240 vlcsnap-2015-08-12-14h45m09s62 vlcsnap-2015-08-12-14h45m20s167 vlcsnap-2015-08-12-14h45m31s20

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here