Jaamacadda Soomaaliya oo xaflad u sameysay arday ka qeybgashay tartan Sport

1050

Munaasabadaan loogu dabaal degayay guushii ciyaartooyda Jaamacadda Soomaaliya ay ka soo hooyeen tartan isboorti oo loo qabtay ilaa iyo afar Jaamacadood, isla markaana shahaado sharaf iyo biladooyin lagu doonsiinayay qaar ka mid ah ciyaartooyda Jaamacadda iyo taageerayaal ayaa lagu qabtay xarunta Jaamacadda, qeybteeda KM4, kaa oo ay ka qeyb galeen Madaxda Jaamacadda Soomaaliya,

Qaar ka mid ah ciyaartooydii magaca Jaamacadda ku ciyaareysay oo goobta hadal ka jeediyay ayaa sheegay in aad ugu faraxsanyihiin guusha ay soo hooyeen, ayna ka mahadcelinayaan dhiiri gelinta ay madaxda iyo maamulka Jaamacadda u sameeyeen, taasi oo u sahlaysa inay ku diiradaan ka qeyb galka tartamada Isboorti ee Jaamacadaha loo qabanayo.

Guddoomiyaha Jaamacadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Macalin Axmed oo hadalo bogaadin ah u jeediyay cayaartooyda Jaamacadda ayaa tilmaamay in 28-kii cayaartooy ee guusha soo hooyay, uu Maamulka Jaamacadda u gartay in 50% bisha June laga dhimay lacagaha ay ku dhigtaan Jaamacadda.

Guddoomiyaha gudiga sare ee Jaamacadda Soomaaliya Maxamed Axmed Macalin oo ugu dambeyn goobta hadal kooban ka jeediyay ayaa hoostada xariiqay in Maamulka iyo Madaxda Jaamacadda xoojin doonaan cayaartooyda Jaamacadda, si loo gaarsiiyo ilaa iyo heer Qaran

Tartanka isboorti ee ay Jaamacadda Soomaaliya ku guuleystay oo ahayd mid lagu xusayay 72-guurada ka soo wareegtay aas aaska ururka dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL, ayna soo qaban qaabisay Jaamacadda Plasma oo u dabaal dageysay toban sano guuradii ka soo wareegtay markii la aas aasay Jaamacadda Plasma, waxa ay madaxda Jaamacadda Soomaaliya shahaadooyin iyo bilad sharaf guddoonsiiyeen qaar ka mid ah cayaartooyda guushaasi soo hooysay.

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here